Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Top news madaxweynaha galhiiraan oo ka soo horjeestay shirki galmudug iyo ximin iyo xeeb qabteen ee gobolada dhexe

Eng abdulkadir bahdoon “ shirarka Qeybo ka mid ah dadka Dagan Gobolada dhexe loo qabtay, waxaan u arkaa Fashil Siyaasadeed, Wasaarada arimaha gudaha haka waantowdo..

Madaxweynaha maamulka Galhiiraan And Mudug State Eng Abdulkadir Bahdoon ayaa ka hadlay shirar aan loo dhamayn oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho, kaas oo ay iskugu imaanayeen dad gara ah oo dagan Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Eng Abdulkadir Bahdoon ayaa ku tilmaamay fashil Siyaasadeed in dadka dagan Ximan Xeeb iyo Galmudug loo qabto shir gaar ah oo la sheegay in loooga hadlayo aayaha Gobolada dhexe ee Soomaaliya, oo uu sheegay in aan shirkaas lagu casuumin dadka dagan Gobolada dhexe qaar ka mid ah.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha maamulka Galhiiraan Eng abdulkadir bahdoon ayaa lagu Yiri.

“ anigoo ah Madaxweynaha Galhiiraan State Eng Abdulkadir Bahdon waxaan canbaareeyneynaa shirka ay abaabuleen Galmudug iyo ximin iyo xeeb oo gobolada dhexe maamul loogu samaynayo ee muqdisho hotel jasiira lagu qabtay.waxaan cadayneeynaa in aan shirkaas loo dhamayn oo aysan na matalin, kaligood kama tashan karaan aayaha gobolada dhexe ee Soomaaliya”ayaa lagu Yiri Qoraalkan oo la soo gaarsiiyay Bogan.

“ Goblada dhexe marka la fiirshana siday wax u wadaan waa mid dadka deegaanka lagu kala fogeeynaayo.Galmudug sadax madaxweyne ayeey leedahahy ayaga ha is xaliyaan . ximin iyo xeebna wax is raacsan ayagaa ka jira gobolada dhexe waana ka xunahay in ay Gobolada dhexe Galmudug kaliya kala tashtaan, mida kale gobolka Galgaduud Dawlada somalia ayaa maamul usoo magacaawday waa in uu Gudoomiyaha Gobolka Gogosha dhigaa dhuusamareeb.oo dhaxdhaxaad ka ah maamulada jira oo dawlada Maamuladeeda lagu ixtiraamo”ayuu yiri Eng abdulkadir bahdoon.

“ waa wax lagu Qoslo in maamulo isdiidan la Yiraah ka Taliya aayaha Gobolada dhexe, dhibaatadii ka dhacda halkaas, waxaa Masx’uulikyadeeda qaadaya wasaarada arimaha Gudaha gaar ahaan wasiirka arimaha Gudaha”ayaa Qoraalka lagu Yiri oo Nuqul ka mid ah soo gaaray xafiiska Bogan.

Presedent of Galhiiraan state of Somalia

ENG Abdulkadir Bahdon

You must be logged in to post a comment Login