Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasaarada difaaca dowlada Soomaaliya oo ka hadashay hub ay lahaayeen ilaalada Villa Somalia oo la xaday

Wasaaradda difaaca Somalia ayaa shaaca ka qaaday iney baareyso hub kala nooc ah oo laga qaatay bakhaar ku yaala xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho habeen hore.

Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga ayaa sheegay in dhacdadan aysan faahfaahin ka bixin Karin xiligan, inta uu ka soo dhamaanayo baaritaan xoogan oo ay ku hayaan sida ay wax u dhaceen iyo cida ka dambeysay arintaas.

Hub fara badan oo kala nooc ah iskuguna jira madaafiic, qoryo iyo rasaas ayaa habeenadii la soo dhaafay laga xaday bakhaar ku yaala xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Bakhaarkan ayaa waxaa la sheegay in laga jebiyey derbiga dambe, iyadoo wararka qaar ee soo baxayana ay sheegayaan in xatooyada lagu sameeyey hubka ku jiray bakhaarkaas ay socotay muddo dheer, waxaana shalay kormeerey madaxweynaha Somalia, iyadoo la xiray saraakiil lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen arintan.

Falkan ayaa fadeexad ku ah dowlada Somalia oo xayiraada hubka ee laga qaaday dhowaan, iyadoo golaha amaanku uu ka dalbaday dowlada in hubka la siinayo ay ka ilaaliso inuusan gacan kale ku dhicin, waxaana haatan suaalo la iska weydiinayaa sida dowladu u ilaalin karto hubka la siinayo, mar haddii madaxtooyada oo ah halka ay degan yihiin madaxdeeda sare laga xadayo hubkii ilaalada looga hayey.

You must be logged in to post a comment Login