Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka =maamulada gobolada

Iyadoo muddooyinkii danbe ay soo baxayeen Maamul Goboleedyo aad u fara badan ayaa markii u horeeyay waxaa arrintaa si cad uga hadlay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Jaamac Amed Maxamed Jaamac Oday.

Wasiir ku Xigeenka oo ka hadlayay Munaasibad ay Xilalka kula kala wareegayeen Guddoomiyihii Hore ee Gobolkaas iyo Guddoomiyaha Cusub ayaa Khudbad dheer ee uu halkaa ka jeediyay waxaa ku sharaxay qaabka ay ku imaan karayaan Maamul Goboleedyada oo uu Dastuurku oggol yahay.

Jaamac Oday ayaa ugu horeynba sheegay in dastuurku oggol yahay in wixii laba Gobol iyo ka badan ay isu tegi karaan samaysan karaana Maamul Goboleed hase yeeshee ay jiraan intaas oo dhan Shuruudo uu Dastuurku qeexayo.

Wasiir ku Xigeenka ayaa sheegay in Qodobka 49aad ee Dastuurka Farqooyinkiisa koowaad labaad iyo Sedaxaad kuwaaso oo loo baahan yahay ayuu yiri in Dadku Fahmaan si wanaagsana u bartaan.

Jaamac Oday ayaa xusay in Faqaradahaas ay leeyihiin in marka horeba uu Barlamaanku arrintaa sharci ka dajiyo isla markaana la abuuro Guddiyo soo qiimeynaya Gobolada Maamul Goboleedyada Samaynaya degaan ahaan dhaqaale ahaan iyo Siyaasad ahaanba Guddiigaas oo ugu danbayntii Gudigaas wuxuu dib ugu soo celinayaa Barlamaanka oo go’aanka ugu danbeeya arrintaa ka qaadanaya.

Wasiir ku Xigeenka wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray inaan xiligan loo baahnayn in lagu mashquulo Maamul Samayn isagoona hoosta ka xarriiqay in dawladdu haatan ay waddo maamulo ku meel gaar ah kuwaasoo dadka u diyaarinaya sidii ay u soo dooran lahaayeen Maamulkooda.

Jaamac Oday ayaa ku sheegay sababaha Soomaalida dib u dhigay in ay ka mid tahay Qabyaaladda isagoona ku baaqay in dib loo milcsado Midnimadii Soomaalida awooddii, dawladnimadii iyo Sharaftii ay soo martay Soomaaliya ka hor bur burkii qaran ee dalka ka dhacay.

You must be logged in to post a comment Login