Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasaaradda Garsoorka dalka ayaa maanta Muqdisho ka furtay shirka looga hadlaayo xeerka Nidaamka iyo sameynta Dastuuriga ee dalka

Shika  oo looga  arinsanayey    xeerka nidaamka   garsoorka  , xeerka  samaynta maxkamada  dastuuriga  ee dalka  iyo  qorshaha    hirgalinta   dib u howl  galinta   hay’ahadaha   cadalaadda    Soomaaliya ayna  ka  qyb  galay  xeer ilaaliyaha  guud  ee Qaranka, Garsoorayaal  ka  socday  Maxkamdaha gobolada dalka,Aqoonyahno    khibrad u leh  arrimaha Garsoorka, Culimada diinta, Odayaal dhaqeedyo  iyo  qaar ka mid  Ururada bushada rayidka  ayaa waxaa maanta  magalada Muqdisho  ka furay Wasiiirka  Garsoorka iyo  Arrimaha Dastuurka  xukumada Soomaaliya  mudane    Faraax  Sheekh Cabdulqaadir .

Shirkani oo socon doona   mudo 5cisho ayaa waxa ay ka  keybgalayaashu isku  dhaafsan  doonaan  fikirado iyo tallooyin ku aadan     qaabka  ugu wanaagsan   ay kaga soo bixi  karaan      qobado muhiim ah  oo dhaxal u noqon doona   Garsoorka dalkeena.

Cabdulaahi  Maxamed   Shirwac oo ku  hadalyey   magacad  ururada  bushada rayidka ah ee ka soo qayb galay shirkaasi ayaa sheegay in dib u habeynta    hay’adaha     garsoorka ay  xooginayso wada shaqeynta  dowlad  iyo  shacabka, isla markaana lagama maar maan ay tahay in dib boorka looga jafo garsoorka dalka.

Gudoomiayah hay’adda   Culumada  Soomaaliyeed Sheekh   Bashiir Axmed Salaad oo     ka  hadalay  shirka ayaa  tilmamay  in cadalada daro Soomaaliya ay ka dhaxashay   burburka  iyo is aaminaad la’aan   ismarkaana ,garsoorka wanaagsan   looga bixkaro dhammaan dhibaatooyinka Soomaalida maanta haysta.

Marwo  Maryan  Cariif  guddoomiyaha guddiga     dib u eegista Dastuurka Qaranka ee Barlamaanka Soomaaliya  ayaa   xusay in ay  ku tallo  jiraan  in wax   kabadal  lagu sameeyo qodobo ku jira Dastuurka ee la xariira   arimaha Garsoorka  si  bay tir laysku  wafajiyo    qobadda ku qoran     xeerka  garsoorka dalka  iyo  Dastuurka qabiyada ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed  Dr  Axmed Cali Daahir  ayaa  tilmaamay in  shirkaani  yahay  shir    muhiimad gaar ah u leh dadka  iyo dalka Soomaaliya    waxaana    uu wax laga  xumaado ku tilmaamay  dadka  iska  dhex   milaya ama isku dhex qaseya  siyaasadda iyo garsooorka.

Xeer  ilaaliha  guud  ee Qaranka   sidoo   kula dardaarmay ka galayaasha shirkani looga hadalayo    xeerka  Garsooorka dalka iyo   qorshaha    hirgalinta   dib u howl  galinta   hay’adaha  cadalaadda   in ay  ka fogaadaan   arimaha    shakhsiga    iyo gobalaysiga isla markaana ay  ka fikiraan   oo qura    in ay soo  garsoor  wax tar u leh   dadka   dalka   Soomaaliya.

Wasiirka  Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka  mudane  Faraax Sheekh  Cabdulqaadir  oo shirkaasi ka jeediyey  khudbad dheer oo kaga hadlayey   arrimo    la xariira    marxaladahii uu soo  maray  Garsoorka dalka ayaa  sheegay in     dhamaan  bushada Soomaaliyeed looga baahan yahay in kalintooda ka qataan  hormarinta   garsoorku  dhisan  cadalaad    oo dalkeena yeesho , isagoona rajo wanaagsna ka mujiyey in shirkaani ay ka soo bixi  doonaan   qodobo tiir dhexaad u ah  cadalaada  dalka Soomaaliya.

Shirkani  ayaa  qodobada lagu hadalayo waxaa ka mid ah , xeerka     samaynta maxkamada  Dastuuriga  oo dalka uu yeesho.

 

 

DSC06177 DSC06185 DSC06186 DSC06187 buy Tastylia online, purchase lioresal. DSC06191 DSC06192 DSC06195 DSC06209 DSC06218 DSC06220 DSC06224 DSC06226 DSC06247 DSC06251

 

You must be logged in to post a comment Login