Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Wasaaradda warfaafinta oo kulan looga hadlayay xeerka saxaafadda u qabatay warbaahinta dalka

Kulankani wada tashiga ah oo ay soo agaasintay wasaarada warfaafinta isgaarsiinta gaadiidka ayna ka soo qeyb galeen agaasimayaasha warbaahinta gudaha iyo qubaro caalami ah ayaa waxaa uu ahaa mid looga doodayay nidaamka ay ku shaqeyn doonaan warbaahinta iyo waajibaadka ka saran ilaalinta shurucda saxaafada iyadoo lagu saleeynayo dhaqanka Suuban ee Soomaalida iyo diinta Islaamka.

Ugu horeyn waxaa kulankani wada tashiga ah daah furay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta isgaarsiinta iyo gaadiidka Mudane C/shakuur Cali Mire, waxaana uu tilmaamay in sharuucda saxaafadda uu yahay mid kala hagaya dowladda Saxaafadda madaxa banaan iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed marka ay yimaadaan caqabado ku aadan howlaha warbaahinta.

Kadib furitaanka wasiirka waxaa la guda galay ka doodis qodobo ku asteeysan shuruucda saxaafadda ee wasaaradda ay dhawaan hor geysay madaxda warbaahinta madaxa banaan kaasi oo ahaa aminga qaran, waxaana fasiraad dheeri ah ka bixiyay Maxamuud Daahir Cadaani oo ka mid ah wasaarada warfaafinta, waxaana uu tilmaamay in masuuliyadaasi ay tahay mid saran warbaahinta ayna iska ilaaliyaan wararka dhalin kara dhibaato iska hor keen ah.

Sidoo kale agaasimaha ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahin Bakistan oo halkaasi ka hadlayay ayaa tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin nidaam kala hagaya warbaahinta la hor keeno saxafiyiinta,

Ugu danbeyn agaasimaha warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh “Al Cadaala” oo kulankaasi ka hadlayay ayaa sheegay in ay nasiib wanaag tahay in la gaaray xiligaan warbaahinta ay sameeystaan shuruuc kala hagaya ayna munasib tahay in shuurucadani ay noqdaan kuwa ku saleysan wax aan u dhimeyn qaranimada.

Kulankani ayaa waxaa uu yahay mid looga goleeyahay in meesha looga saaro dhibaatooyinka heysta saxaafadda iyo sidoo kale in lagu hago qawaaniinta saxaafadda iyo kuwa caalamiga ah.

You must be logged in to post a comment Login