Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiir Beyle “waxaad arkeysaa dalal badan oo daneeynaya iney wadankan maalgashadaan” (DAWO VIDEO)

neurontin without prescription, dapoxetine without prescription.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo maalgashiga ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday ineey sii kordhayaan wadamada iyo shirkadaha doonaya ineey maalgashi ku sameeystaan Soomaaliya.

Mudane C/raxmaanDucaale Beyle wasiirka arrimaha dibada iyo maalgashiga ayaa tilmaamay in wadamo badan oo uu socdaal ku tegay ay dalabka maalgashiga u soo bandhigeen.

“Adduunku waxa uu ka warqabaa in wadankani yahay mid leh kheyraad badda iyo berriba ah,  in amnigii wadankani soo hagaagayo ayaa cid walba u muuqata, waxaad arkeysaa dalal farabadan oo daneeynaya iney wadankan maalgashi ku sameeystaan” ayuu yiri wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa xusay in dalal farabadan ay safaaradahoodi ka furteen dalka, isagoo tilmaamay in maalgashigiina ku xigo maadaama uu soo hagaagayo amaanka dalka.

Wuxuu tilmaamay in fursado maalgashi ay ka jiraan dalka, taasina waa midda keentay ayuu yiri in wadamo iyo shirado badan usoo hanqal taagaan maalgashiga Soomaaliya.

<iframe width=”480″ height=”360″ src=”//www.youtube.com/embed/3CB44IzEnBk” frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>

You must be logged in to post a comment Login