Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiir Fiqi oo la kulmay waalidiin caruurtooda ay DFS tababar ugu qaaday dalka dibadiisa

Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Md. Axmed M. Fiqi, maamulka degmada Gaalkacyo iyo taliyaasha hey’adaha amniga ayaa galabtay Kulan kula qaatay magaalada Gaalkacyo waalidiin isugu jira hooyooyin iyo aabayaal maalmahan danbe ka cabanayey caruurtoodii oo askar ahaan dalka dibadiisa loogu qaaday sanadkii hore bilowgisii.

Waalidiinta ayaa wasiirka u sheegay in wiilashoodii aysan war iyo wacaal ka haynin tan iyo sidii Eritrea loogu qaaday bishii Febraayo 2020, sidoo kalena ay welwel badan ku dhalisay wararka baraha bulshada lagu wareejinayo oo tilmaamaya in wiilashoodii ay ka qeybgaleen dagaalada Ethiopia ka dhex socda, sidaas awgeed waxay Dawladda Galmudug iyo madaxdeeda ka dalbadeen in ay ka geystaan kaalinta uga aadan sidii wiilashooda xogta ku saabsan ee saxda ah ay ku heli lahaayeen sida ugu dhaqsaha badan.

Wasiir Fiqi ayaa waalidiinta u sheegay “ in uu la wadaagayo dareenka ka muuqda, dhammaanteenna aan nahay waalid wax dhaley oo og xanuunka iyo welwelka uu leedahay haddii caruurteena aan weynno ama war dhiilo leh laga soo sheego. Sidaas awgeed ay Dawladda Galmudug iyo madaxdeedu u hawlgali doonaan sidii xogta rasmiga ah ee la xiriirta wiilashooda ay u heli lahaayeen, isla markaana ay la xiriiri doonaan hey’adaha Dawladda Federaalka ee ku shaqada leh ama haya xogta ku saabsan wiilashaas”.

You must be logged in to post a comment Login