Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiir Goodax Barre oo baarlamaanka maanta hortagaya

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta uu hor-tago baarlamaanka Soomaaliya si su’aalo looga weydiiyo arrimo ku saabsan nidaamka federaalka iyo maamul u sameynta gobolada dalka.

Cabdullaahi Goodax Barre ayay baarlamaanka shalay dalbadeen in la hor-keeno maadaama ay taagan tahay dood ku aadan ismarin waaga dhanka maamul u sameynta iyo sida ay gobolada isku raacayaan gaar ahaan magaalada Baydhabo arrinta iminka ka taagan.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa fadhigooda maanta su’aalo ku weydiin doono Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda C/laahi Goodax Barre.

Fadhiga baarlamaankana waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka furmo xarunta xildhibaanada ee Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login