Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo lagu xayiray Barbara

Wararka naga soo gaaraayo magaalada Barbara waxaa ay sheegaayaan in Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Shakuur Cali Mire inmudo lagu xayiray garoonka diyaaradaha magaalada Barbara ee gobolka waqooyi galbeed.
Cabdi Shakuur oo saarnaa diyaarad ka timid magaalada London ayaa taransad ku ahaa magaalada Barbara balse mudadii ay diyaarada ku sugnayd garoonka magaalada ayaa waxaa qabtay ciidamada ka tirsan maamulka la magac baxay Somaliland.
Saraakiisha ciidamada amaanka ee maamulka Siilaanyo ayaa waxa ay sheegeen in amarka lagu xayiraada uu kasoo baxay madaxtooyada Hargeysa.
Macadda sababta ka dambeysay xayiraad Wasiirka balse maamul goboleedka Somaliland ayaa horay u sheegtay in xubnaha dowladda aysan imaan Karin deegaanadooda.

Wararkii u dambeeyay waxa ay sheegayaan in Wasiirka ku xigeenka Warfaainta wada hadal kadib uu xuriyadiisa dib u helay.

You must be logged in to post a comment Login