Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiir Mustaf Dhuxulow oo u jawaabay TARSAN oo sheegay hadal khatar ah

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow

Wasiirka ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid been abuur ah wuxuuna intaas ku daray in Tarsan iyo isaga aaney ka hadlin arrintaas.

Tarsan ayaa isagoo u warramayay Barnaamijka Hard Talk ee ka baxa Telefishanka BBC-da ayuu sheegay in wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mustaf Dhuxulow uu ku yiri “Jooji bannaanbaxa ma waxaad rabtaa in aad khatar galiso nafsadaada”.

Tarsan ayaa sheegay in wasiirka uu ku yiri ha qaban bannaanbaxa haddii aad rabto naftaada.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in Tarsan iyo isaga aaney ka hadlin arrimo ku saabsan Shabaab, wuxuuna sheegay in arrintaas uu Tarsan sheegay looga baahan yahay caddeen maadama y tahay gaf sidda uu ku yiri war saxaafadeed uu wasiirka soo saaray.

Wasiirka warfaafinta ayaa yiri: “Aad ayaan ula yaabay markii aan maqlay Tarzan, duqii hore ee Muqdisho oo ku dhahaya, Tim Franks oo ka tirsan BBC HARDTalk: ‘Waxana soo agaasimay bannaanbax looga soo horjeedo Al-Al-Shabaab, iyo annigoo rabay in aan ka hadli dhibaatada ay dadka ku hayaan kooxdaas,balse wasiirka warfaafinta oo saaxibo ku ahayn London ma waxaad khatar galineynaa nafsadaada, waxaan caddeenayaa in aan hadal noocaas oo kale aan ku oran duqii horre ee Muqdisho mana aqaano waxa uu siddaas uu u yiri siddaas darteed waxaan ka codsanayaa in uu Tarsan uu caddeeyo warkaas waxa uu kala.”

Ma cadda warkan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta oo lagu qoray maanta oo Jimco xafiiska wasiir Dhuxulow mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Tarsan oo ku aadan jawaabta looga fadhiyo hadalka uu siiyay Barnaamijka Hard Talk ee ka baxa BBC-da.

Somalimedia Online order Brand Viagra online cheap, purchase zithromax.

Xafiiska Wararka Muqdisho

You must be logged in to post a comment Login