Wasiir Xilka looga qaaday Arinta Qalbi dhagax

Filed under: Wararka |

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Caasimadda u ah Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey uu Xilkii ka qaaday  Wasiir dowlihii Madaxtooyada iyo xiriirka Gobolada Bashiir Gurxan.

Xilka qaadista Wasiir Dowlaha Madaxtooyada ayaa timid ka dib markii wasiir Bashiir Gurxan uu sheegay in Golaha Wasiiradda Puntland ay taageereen go’aankii xukumadda Soomaaliya ay ka qaadatay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ay Puntland taageertay islamarkaana sababahaas uu xilka ku waayay.

War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirada Puntland aysan taageerin go’aankii golaha wasiiradda Soomaaliya ay ka qaateen C/kariin Qalbi-dhagax islamarkaana hadalka wasiir dowlaha madaxtooyada Puntland uu yahay mid u gaar ah oo uusan qofna ku matalin sidaana xilka looga qaaday.

Ads by Revcontent
Posted by on September 13, 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply