Wasiir Yuusuf Garaad oo hortagay baarlamaanka & wixii uu la soo kulmay

Filed under: Wararka |

Maanta oo Axad ah waxaa Baarlamaanka Soomaaliya hortagay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, waxaana xildhibaanada ay su’aalo ka weydiiyeen shaqada wasaaradda iyo waxii u qabsoomay wasiirka mudadii uu xafiiska joogay.

Wasiir Yuusuf Garaad Cumar ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka uga jawaabay dhowr su’aalood ay xildhibaanadu weydiiyeen.

C/wali Sheekh Ibraahin Muudey ayaa shir gudoominayay Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka,waxaana soo xaadiray 139 Mudane.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mudooyinkii dambe waday qorshe ay kula xisaabtamayaan wasiirada xukumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyrre.

Posted by on August 13, 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply