Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

WASIIRADDA CAADAYSTAY MUSUQ-MAASUQA EE BEESHOODII MAHADINAYAAN IYO WASIIRADDA GABAY BEELAHOODII FARTANA DHEXDA KA QANIINSAN MA SIMAN YIHIIN?

Kamagra Polo without prescription, order dapoxetine. Waxbarashada iyo shaqaalaysiinta shacabwaynaha reer soomaaliland waa mid aan gor gortan geli karin

Aanuna ku dhici karin wasiir ama agaasime inuu u kala eexdo wasaaradda uu masuulka ka yahay ee

M/wayne Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) u igmaday ama u magacaabay xilka miisaankaas leh

Waxaa beryahanba shacabwaynaha reer soomaaliland ka wareerisay in wasiiradda qaar oo isku beel ahi

Aanay ka xishoon waxyaalaha wasiirada kale ee reer soomaaliland ka xishoodeen ee dadnimadooda,sharaftooda,

Sumcadooda iyo mustaqbalkooda naafaynaya ama ay u gelayso taariikh madoow,Saxaafaddu inta badan kama qorto

Wasiiradda caadaystay musuq-maasuqa baahsan ee hayb ahaan lagu shaqaalaysiinayo ardayda dhamaysata

Dugsiyada Sare Iyo Jaamacadaha ee la rabay inay wadankooda hooyo ay aaminaan si ay uga kaaftoomaan tahriibta

Iyo in ardaygu ku kaco falal aad u fool xun sida inuu balwadaha barto ama uu noqdo gaangistar bilaa naxariisa oo

Dadka jidgooyiyinka ama meelaha madow u gala si wixii aduun ah ee uu ka helo u qaato waxaa iswaydiin leh

Waxaa maalin dhowayto mudahaaraad dhigay ardayda jaamacadda hargaysa yagoo ka cabanaya musuq-maasuq

Baahsan oo ay caadaysteen wasiiradda iyo agaasimayaasha ka soo jeeda waqooyiga iyo galbeedka hargaysa oo

Ardaydooda intay warqad shaqaale uga soo qoraan wasaaradaha ay ka dhigteen maqaayaddo ay iska leeyihiin si

Ardaydooda ay isku haybta yihiin ugu dhigtaan bilaash,Ardayda kale ee wasiiradoodu gabeen ama ka xishooday dhaqan-

Xumadaas ay ku kacayaan wasiirada aan kor ku xusany ama ardayda aan wasiiro lahayna waxaa bilkasta lagu kordhinayaa

Lacag aanu qaadi karin waalidkoodna aanay awood u lahayn culayskaas faraha badan ee lagu hayo,markaan maskaxdayda

La kaashaday waxaad moodaa in ardayda lacagtaas culayska ah la dulsaaray inay ardayda kale ka xariifsan yihiin kana

Akhlaaq wanaagsan yihiin haybaddii m/tinimo lagu yaqaanayna ay leeyihiin oo la doonayo in niyadda laga dilo si

Wakhti wakhtiyada ka mida ay aqoontiisu u hoosayso ama uu ka baxo jaamacadda mustaqbalkiisiina uu galo madow

Wasiirada noocaas ah iyo gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha oo ah tuuga ugu wayn ee muwaadin jaamacaddaha

Dhamaytay qasab lagaga dhigo in hay’adda shaqaalaha imtixaan lagaga qaado ka dibna uu ku

Badhaaciyo waxaanu u qaadnay imtixaan si cadaaladda ku dhacay intuu beeshiisa suuqa joogta uu ku buuxiyo kuwa helay kana dhigo kuwo

imtixaan galay xukuumaddu waa inay wax ka qabato beeshaas caadaysatay musuq-maasuqa ee maantana muuse biixi

cabdi leeyahay waxaan ahay murashax madaxwayne,muusoow waxaanu ku leenahay beeshaada aragnayee waxaa odoon

wanaagsan idinkoo aydaan kursiga hungurayn sababtoo ah waxa beelaha kale ka xishoodaan kama xishootaan oo

xukuumaddiinu way ku dumi lahayd sadex bilood gudahood,waxaa idiin khayr roon inaad beelaha kale ee reer

soomaaliland maalinba meel soo sharaxdaa, inta badan saxaafaddu waxba kama qorto oo waxaa la arki jiray ama

caalamka ka jirta saxaafad

Madax-banaan oo wixii dhaliila ee wasiir ama m/wayne ku kaco si edeble u soo qorta waxaad moodaa in saxaafadda ama

Saxafiyiintu aqoonta ay bartaan ay ka doorbidaan qabyaalad iyo laaluush ama cad-qudhun la siiyo oo wasiirkiisa marna

Wuxuu ku difaacaa qabiil,marna laaluush,waa arrin aad iyo aad u fool xun oo barmadoow oo taariikhiya ku noqonaysa

Saxaafadda madaxa banaan ee aduunyaddu inoo taqaano inaynu nahay wadan saxaafad xora leh balse haddii runta loo

Sheego ay xaqiiqada ogaanayaan,Waxaan xukuumadda uu M/waynaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud

U soo jeedinayaa in uu kala barto Wasiiradda sumcaddiisa dilaysa ee ku duminaysa xukuumaddiisa iyo wasiiradda

Shaqadooda ka adag ee ka fog musuq-maasuqa iyo inay wasaaradaha ay maamulaan ka dhigtaan maqaayad ay iska

Leeyihiin,Waxaan mudane M/wayne mar labaad ku xasuusinayaa inaad jaamacadda hargaysa guddi ehlu xalaala oo

Xalaal miirada u magacowdid,sidii aad badhasaabyadana isugu bedeshay aad jaamacadahana isugu bedeshid si loo

Helo jaamacadda khilaafkooda iyo musuq-maasuqoodu dhamaadeen,Waxaan kaloo mudane M/wayne mar sadexaad

KU soo jeedinayaa in wasaaradaha,hay,adaha iyo booliska sida gaarka ah u tababaran lagu sameeyo lana soo qoro

Deegaamada ay u dhasheen iyo qabiilkooda si loo ogaado inay beeli ku tagri fashay saamigii beelaha kale.

Qalinkii:Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood:Mobile:4109843 Hargeisa Somaliland Rep.

You must be logged in to post a comment Login