Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka amniga oo maanta baarlamaanka hortagaya

Wasiirka amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta uu hor-tago baarlamaanka Soomaaliya si su’aalo loo weydiiyo.

Wasiirka amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shalay tegay golaha shacabka balse waa uu baaqday fadhigii baarlamaanka ee lagu weydiin lahaa su’aalaha ku saabsan ammaanka.

Wasiir Cabdikariin Guuleed ayaa la filayay in la wax laga weydiiyo arrimo ay kamid yihiin ammaanka magaalada Muqdisho.

Kooramkii loogu tala-galay baarlamaanka ayaa shalay buuxsamin waxaana la filayaa in maanta kulankan uu dhaco kaasoo su’aalo lagu weydiinayo wasiirka amniga dowladda mudane Guuleed.

You must be logged in to post a comment Login