Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo beeniyay shirka Farmaajo iyo Uhuru.

S

 Jul 11, 2019

 0S

Muqdisho–Axmed Ciise Cawad  Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay hadal saacadihii dambe lagu baahinayay baraha bulshada, kaasi oo ahaa in shirka saddexda dal ee Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ku saabsanyahay kulanka labada Madaxweyne.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan jirin kulan u qorsheysan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya oo ka dhacaya Magaalada Adis ababa sida ay baahisay Warbaahinta.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Warbaahinta Soomaalida ay mar walba ku dhiiradaan wararka been abuurka ah,waxaana wasiirka uu sheegay in go’aanka la xiriirta badda Soomaaliya oo ay Kenya muranka gelisay uu weli sidiisa yahay,isla markaana uusan jirin wadahadal laga galayo.

You must be logged in to post a comment Login