Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka dhalinyarada &Cayaaraha oo faah-faahiyay waxa uga qabsoomay maamul u sameynta Koonfur Galbeed

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarda iyo Ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Khaalid Cumar Cali oo kamid ah gudiga maamul u sameynta gobollada Koonfur Galbeed oo mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo faahfahin ka bixiyay halka ay marayaan dadaalada maamul dhisida koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Wasiir Khaalid ayaa markii uu soo gaaray garoonka Muqdisho waxa uu ka warbixiyay halka ay marayaan arimaha maamul u sameynta gobolada Koonfur galbeed isagoo sheegay in wajiga koowaad ee maamulkaasi uu meel gaba-gabo ah marayo xili shir balaaran la isugu keenay dhinacyadii sadexda iyo lixda gobol kala sheeganayay si ay ugu midoobaan maamulka ka kooban sadexda gobo lee ay dowladda federaalku heshiiska ku kala dhex dhigtay dhinacyadaasi,

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa dhanka kale ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha waxaana uu amaanay mas’uuliyiinta Wasaaraddaasi ee howsha wasaaradda waday intii uu Baydhabo ku maqanaa maadaama ay dhalinyaradu kamid yihiin xubnaha ugu muhiimsan bulshada.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa ka mid ahaa gudi heer wasiir ah oo ku howlanaa maalmahan damne sidii dhidibada loogu aasi lahaa maamul goboleedka koonfur Galbeed ee Soomaaliya kaasi oo siyaasiyiin ku kala aragti duwanaa ay dowladda Soomaaliya mideysan mowqifkooda maamul u sameynta deegaanadaasi si maamul loo dhanyahay looga hirgeliyo sadexda gobol ee kala ah Baay,Bakool,iyo Shabeelada Hoose.
clomid buy online, buy clomid.

You must be logged in to post a comment Login