Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka Difaaca Somaliland oo Dagaallada G/Sool ku eedeeyay Xil. Galeydh

order zoloft, purchase dapoxetine. 2014614635383378375656393IMG_0002Wasiiradda iyo xildhibaanada kasoo jeedda gobollada Sool Iyo Sanaag ayaa eedeen u jeediyay xildhibaan Cali Khaliif Galaydh oo ay ku tilmaameen in uu fidno kusoo dhex tuuray deegaannadda uu kasoo jeedo.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed  Xaaji Cali Cadami, ayaa soo dhoweeyey galitaankii ciidamadda deegaanadda hoos yimaadda degmadda Taleex, isagoo xidlhibaan Galaydh ka dacweeyey baarlamaanka soomaaliya.

“Waxaan tahniyada u dirayaa ciidamadda Qaranka meel ay joogaan oo wakhti walba diyaar u ah inay tagaan goobtii looga baahdo”ayuu yidhi wasiirka gaashaandhiga Cadami oo ka hadlayey galitaankii Ciidamadda ee Taleex.

Mar uu ka hadlayey sababta keentay inay ciidanku u galaan Taleex waxa uu yidhi “ ciidanku waxay u galeen koox mandaqadda u dhashay laakiin siyaasaddo  kale xambaarsan oo xubno ka ah baarlamaanka Soomaaliya oo baarlamaanka  Soomaaliya eedda in badan ka leeyahay, oo haddii aanu nidhaahdo xildhibaandiina naga qabsadaa si aanu u xumaan wada hadalkii inoo dhexeeyey (Somaliland iyo Soomaaliya), kuwaas ayaa meesha fidmo ka dhex wadda, waxaan ku talin lahaa baarlamaanka Soomaaliya xildhibaanadiina naga soo joojiya rabashka naga dhex wadaana naga qabta, kuwo reer  Somaliland u dhashay ee fidmada dadkooda kula dhex jira waxaan leeyahay waad ogtihin meesha aad iminaysaan inuu ciidankeedii jooga ee ma cararkaad dan moodaysaan, xaga dhaqanka Soomaalida waa ku ceeb orodku , sidaana wax ku dhalinmaysaan  aynu ixtiraamka umadda meesha degan ikhtiyaarkeedda”

“Waa la ogyahay halka ay joogaan iyo meesha ku socdaanba laakin wali lama gaadhin in xariijin qofna lagu sameeyo, wax laleeyahay wali rajo laga qabaa in caqligu shaqeeyo dawladuna waa tii dulqaadata, shirkii ugu horeeyey waa tii la tijaabiyey ee la yidhi bal aynu eegno waxa  ka soo baxa, shirkaasi Taleex jabhado ayuu u qaybiyey shacabkii ”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidoo kale, Wasiir Dawladaha Nabadeynta  iyo horumarinta goboladda Bariga Cali Maxamuud Axmed Sandule , ayaa isna ku baaqay in dadka deegaanka fidmo laga dhex abuurin oo aan la isku dhufan, waxaanu sheegay in ciidamadda militariga ay Taleex tagay u badan yihiin kuwo goboladda Sool oo ay hor kacayaan.

“Dadka deegaanku raali kama ahayn rag dibadda ka yimid oo lahaa shir baanu qabanaynaa, waxa yimid dhibaato taas oo dadkii deegaanka la iskugu dhiibay xabad, taasina waxay keentay in ciidankii Somaliland oo isku dhafan oo u badan ciidanka Sool u dhashay ayey  noqotay inay dadkaasi la badbaadiyo, amarka xukuumadda bixisay waxay ahayd wax kasta oo dadkaasi ku badbaadayaan in la sameeyo, waxaana ilaahay uga mahadnaqaya in qorshihii loo dhigay sideedi u dhacay oo hal qof xariijin ka soo gaadhin, dadweynaha Taleex iyaga u baahna inay dawladoodu u timaado”ayuu yidhi Cali Sandulle oo sheegay inuu dhowaan u guuri doono Taleex si mashaariic horumarineed uga sameeyo deegaankaasi.

“Ilaaa hadda ma garanayno waxay ka faa’iidayaan, Cali khaliif Galaydh waa sideetan jir wax uu ka fulayo dhibaatadaasi aanan garanayn, odaygu wuu ku degdegay isaguna Xamar ayuu ku noqonayaa hawshiisuna halkaasi ayey ku soo gabogabaysmay, waxaana diyaar u nahay inaanu deegaanka wax ka qabadkiisa gaadhsiino si degdeg ah kumana eekanayno ciidankee xukuumadu way u guuri doontaa”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah wakiiladda Somaliland ayaa sheegay in xuduudda kala qaybisa Somaliland iyo Soomaaliya uu awoowgii Koore sameeyey, isla markaana dadka reer Taleex ay soo raaceen Somaliland wakhti fog mar laga joogay.

“Aniga Awoowgay Koore ayaa boqol sanno horteed ka mid ahaa odayaashii xuduudda kala qaybiyey ee Taleex soo raaciyey Somaliland inay wax la qaybsato, waxaan rabnaa Somaliland la wada leeyahay”ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka hadlayey arrimaha la isku haysto ee khilaafk ka dhashay.

 

You must be logged in to post a comment Login