Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka Gaashaandhiga Dawlada Federaalka oo Saaka Hortagaya Baarlamaanka Si Su’aalo Loo Weydiiyo

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa saaka oo Isniin ah [22/04/2013] wuxuu hortagayaa golaha baarlamaanka Soomaaliya si ay su’aalo uga weydiiyaan waxqabadka wasaaradiisa.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka federaalka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar oo kulan shalay su’aalo lagu weydiiyey wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka soo gabagabeeyay ayaa sheegay in maanta oo Isniin ah uu baarlamaanka su’aalo weydiin doono wasiirka difaaca.

Kulanka su’aalaha lagu weydiinayo wasiirka difaaca ayaa qeyb ka ah fadhi beryahan mudanayaasha baarlamaanka su;aalo wadareed ku weydiinayeen wasiirka koowaad iyo xubnaha go;lihiisa xukuumadda taasoo qeyb ka ah qirshaha la xisaabtanka xukuumadda oo baarlamaanka hawlihiisa ka mid ah.

Sabtidii waxay mudanayaasha baarlamaanka u yeereen raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo ka jawaabay su;aalo toban ah oo laga weydiiyey shaqada xukuumadiisa, iyadoo maalintii ku xigtay ee Axaddi shalayna baarlamaanku shan su’aalood weydiiyey wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo wax laga weydiiyey arrimo khuseeya amaanka.

Wariyaha somalinimo1.com ayaa soo sheegaya in kulanka maanta wasiirka difaaca lagu su’aalo weydiin doono uusan ahayn mid adag, hase yeeshee waxaa jira su’aalo ku saabsan heshiisyo dhanka dufaaca oo dawladu la gashay wadamada Turkiga, Jabuuti, Yugaandha iyo Itooboiya oo baarlamaanka rabo inuu ogaado.

You must be logged in to post a comment Login