Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

wasiirka garsoorka DFS oo la kulmay wasiirka Arr,debadda ee Sacudi Carabiya

Wasiirka wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka Somalia Faarax C/qaadir ayaa waxa uu la kulmay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Amiir C/casiis Bin C/llaahi Bin C/casiis.

Wasiir Faarax ayaa la soo warinayaa in halkaasi uu u baqoolay, iyadoona uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga gudoonsiiyay Warqad qoraal ah oo uu u dhiibay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Warqada ayaa waxaa la sheegayaa inay ku qorneyd Codsi uu Xassan sheikh ku codsanaayo in Dalka Sacuudiga ay ka qeybqaadato Gargaarka, Siyaasada iyo dhanka doorashada la filaayo in 2016 ay ka dhacdo Somalia.

Sidoo kale, Faaraxa C/qaadir waxa uu Magaalada Jida kullan adag kula qaatay Mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa Dowlada Dalka Sacuudiga, isagoona u sharaxay qaabka ay DFS u dooneyso inay u dhacdo doorashada soo socta iyo kaalinta Sacuudiga kaga aadan.

Dhanka kale, xogta kullanka Labada wasiir ayaa waxaa inoo xaqiijiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Safaarada Somalia ay ku leedahay Dalka Sacuudiga, waxa ayna sheegen in kullanka uu ugu weynaa kaalmo dhanka Bani’aadanimo.

Dhinaca kale, warar ku dhowdhow Madaxtooyadda ayaa waxay sheegayaan in laga yaabo inuu Madaxweynuhu u ambabaxo dalka Sacuudiga, si uu u soo guto Waajibaadka Xajka ee sannadkan.
Cialis Super Active buy online, purchase clomid.

You must be logged in to post a comment Login