Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in lasoo daabacayo lacag Shillin Somali ah

sildenafil withoutprescription, zithromax without prescription. 252px-Somshil5rWasiirka maaliyadda Somalia, Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay inay dhawaan soo sameynayaan lacag cusub oo shillin Soomaali ah, si wax looga qabto burburka ku socda shillinkii Soomaaliga.

Xalane ayaa sheegay inay ka fikirayaan inay lacagta shillin Soomaaliga ah ee horay u jirtay ay soo daabacaan iyo inay soo daabacaan lacag kale oo cusub oo aadna uga badan, taasoo uu sheegay inay muddo dheer qaadanayso.

“Muddo dheer ayay qaadanaysaa in lacagta la bedelo, balse waxaan go’aansannay inaan soo daabacno shillinkii hore inta go’aan laga qaadanayo arrintan, si loo daba-qabto shillinka oo sii dhimanaya,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in wasaaraddiisu ay diyaarisay qorshaha sameynta lacagta shillinka ah ayna horgeysay golaha wasiirrada, taasoo lagu wado in goluhu uu go’aan ka gaarno, markaas kaddibna lagu dhaqaaqo fulinta go’aankaas.

“Dadka dan-yarta ah ee Soomaaliyeed dhibaato ayay ku qabaa isticmaalka shillinka Soomaaliga, maadaama wax walba ay noqdeen doollaraaysed oo doollar uuna lagu kala iibsanayo wax walba, waxaana doonaynaa inaan dhaqankaas bedelno,” ayuu ku daray wasiirku hadalkiisa.

Mudane Xalane ayaa hadalkiisa raaciyay in hay’adda lacagta adduunka ee IMF-ta uu kala hadlay sidii la yeeli lahaa lacagta Soomaaliga, isagoo xusay inay u sheegeen in arrintaas ay waqti qaadanayso in go’aan laga gaaro, inta ka horeysana laga doodo arrintan.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli qiimaha shillin Soomaaliga uu aad hoos ugu dhacay, iyadoo ay noqotay in xitaa gaadiidka lagu raaco doollar, waxaana bur-burka ku dhacay shillin Soomaaliga uu qayb ka yahay burburkii oo dhan saameynta ku yeeshay intii ay socdeen dagaallada sokeeye.

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/jun/wararka_maanta14-47006.htm#sthash.SVmAxSeg.dpuf

You must be logged in to post a comment Login