Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka Macdanta Somaliland oo ka jawaabay Digniintii Dowladda Somalia

Wasiirka Macdanta Maamulka Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin Warkii kasoo yeeray Wasaaradda Macdanta & Tamarta DFS ee ahaa in Shirkadda ARC ay Macdan Baaris Sharci darro ah ka wado Gobolka Awdal.

Kamagra Soft buy online, cheap dapoxetine. Xuseen-Cabdi-Ducaale

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay kusoo xadgudubtay Xaqa ay Somaliland u leedahay inay Heshiisyo la gasho Shirdaha Shisheeye, isagoo intaasi ku daray inay Hadalka DFS uu bur burinayo Hanaankii Wadahadlkooda.

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka shaqeysay iska hor keenkaa dadka degan gobalada Sool iyo Sanaag, hadana ay damacsan tahay in ay iska horkeenaan dadka degan Awdal, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Faarax Cabdi Xasan, ayaa sheegey in shirkadani ARC markii ay baareen ay waayeen wax raad raac ah meel ay ka diwaangashantahay, iyada oo markii lala xiriirey Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ay sheegtey in aysan waxbo ka ogeyn, sidoo kalana dalka Shiinaha laga waayay wax diiwaankeeda ah.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ku celisay in Shirkad aysan iyada ogeyn Howlo Shidaal ama Macdan Baaris ka samayn karin dalka, balse taasi kuma qanacsana Maamulada ka jira dalka, sida Somaliland & Puntland.

HALKAN KA AKHRISO QORAALKII AY SOO SAARTAY DF SOMALIA 

You must be logged in to post a comment Login