Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

WASIIRKA MADAXTOOYADDA SOMALILAND OO IIBSADAY TELEFISHANKA ROYAL IYO DAREENO KA DHASHAY LACAGTA XAD-DHAAFKA AH EE UU KA BIXIYEY TV-GAAS

 

 

 

 

Hargeysa, January 5, 2015  Somalimedia– Wasiirka Madaxtooyaddda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa la sheegay inuu iibsaday 60% Saamiga telefishanka ROYAL TV, taas oo sida xogaha laga helayo tibaaxeen uu ka bixiyey lacag Malaayiin Doolar ah.

Kulanka uu Wasiir Xirsi saamiga ugu badan ku iibsaday ROYAL TV oo dhawaan ka dhacay magaaladda Hargeysa ayaa kulankaasi ka dib ay shir is-barasho oo ka dhacay Hoteelka Maansoor ay iskugu yimaadeen maamulka, shaqaalaha iyo wariyeyaasha Teleshinkaasi iyo wasiirka madaxtooyadda, isla markaana kulankaasi  ayaa waxa kale oo goob-joog ka ahaa nin mukhalas u ah wasiir Xirsi oo magaciisa la yidhaahdo Zaki oo degank dalka Ingiriiska, kaas oo isagu ka soo shaqeeyey qorshahan.

nolvadex no rx, generic dapoxetine.
Sidoo kale arintan oo maalmihii u dambeeyay aad looga hadal hayey magaaladda Hargeysa ayaa la sheegay in ay qeyb ka tahay qorshayaal cusub oo ay mudooyinkii  u dambeeyey ku mashquulsanayaayen wasiiradda ay Madaxwayne Siilaanyo isku haybta yihiin, iyadoo ay dhawaan uun ahayd markii ay soo baxeen qorshe uu Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale uu ku damacsan yahay inuu iibsado telefishanka ugu guunsan Somaliland ee Somaliland Space Channel Iyadoo ay la sheegay uu wasiirkani lacagta kirada ah ka bixiyo telefishankaasi oo dadka mulkiyadiisa iska leh ay isku fahmi waayeen iibkiisa.

Dhinaca kale arrintan ayaa ka mid ah boobka iyo musuqmaasuqa wasiiradda xukuumadda Siilaanyo gaar ahaan kuwa ay isku beesha yihiin ay ku hayaan hantida ummadda, iyadoo ay dhawaan uun ahayd markii uu Wasiirka duulista iyo hawadda Somaliland  Maxamuud Xaashi Cabdi uu iibsaday guri ku yaala xaafada Shacabka ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ka soo horjeeda guriga gaarka ah ee uu deganaan jiray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo).Xirsi

You must be logged in to post a comment Login