Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka Warfaafinta DFS oo kulan la qaatay Madaxda iyo suxufiyiinta ka howlgalla Muqdisho

Kulanka oo ahaa mid uu dalbaday Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ee uu la yeeshay madaxda iyo wariyeyaasha warbaahinta dalka ka howlgalla gaar ahaan Muqdisho ayey u jeeddadiisu aheyd sidii loo dhageysan lahaa tallooyinka iyo fikirka ay ka qabaan Warbaahinta madaxa bannaan Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed oo ay Wasaaradda Warfaafinta dooneyso in isagoo Tifaftiran Barlamaanka Soomaaliya loo gudbiyo.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, guddoomiyaha guddiga Warfaafinta Barlamaanka Xubin ka tirsan Barlamaamka, maamulka Wasaaradda, Madaxda iyo wariyeyaasha Warbaahinta madaxa banaan ee dalka qaarkood iyo ururrada Warbaahineed ee Muqdisho ka howlgala.

Kulanka ayaa ahaa laba qeybood, waxaana furitaankiisa hadallo guubaabo iyo dardaaran ah ka jeediyey khabiirro ku xeel dheer saxaafadda, Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka, maamulka Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo dadkii ka hadlay ay warbaahinta u soo jeediyeen ilaalinta wadaniyadda iyo arrimo kale.

Agaasimaha Warbaahinta Qaranka C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaalla ayaa akhriyey dhammaan qodobada Warmurtiyeedka oo ahaa kuwa ay ku middeysnaayeen madaxda Wasaaradda Warfaafinta iyo warbaahinta kale Wakiiladii ka socday.

Maxamed Ibraahim Bakistan oo ah Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo ku hadlay dhammaan warbaahinta madaxa banaan ayaa soo dhaweeyey qodobada kulanka ka soo baxay.

Wasiirka Warfaafinta, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in wada shaqeynta dhabta ah ee u dhaxeysa Wasaaradda iyo warbaahinta madaxa banaan ay sii socon doonta, islamarkaana tallooyinka ka soo baxay kulanka uu hor dhigi doono madaxda sarre ee Qaranka.

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
Sagaalka bishan oo ku beegan maalinta Axadda ee soo socota ayaa lagu ballamay in kulan kale la isugu yimaado si loo sameeyo guddi ka shaqeeya Warmurtiyeedkii kulanka soo baxay, si ay u noqdaan kuwa lagu howlgallo, waana kulankii labaad ee Warbaahinta iyo madaxda cusub ee wasaaradda isugu yimaadeen, hasa yeeshee kulankani waxaa ka muuqanaya isu soo dhawaansho rasmi ah.

Dhuxuloow

DSC07955

DSC08030

DSC07999

DSC07957

DSC07959

DSC07995

DSC07962
DSC08019

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow

DSC07983

DSC08023

You must be logged in to post a comment Login