Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Hargeysa oo Kormeeray Gabiley

Wasiirka wasaarada madaxtooyada mamulka Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan , ayaa maanta kormeer ku tagay mashaariic lagu horumarineed oo ka socda gobolka Gabiley. Wasiir Xirsi waxa uu booqday oo uu kormeer ku soo maray jidka u dhexeeya kala Baydh iyo Wajaale oo haatan dhismaheeda ay bilowday Wakaaladda wadooyinka maamulka Somaliland. Dhanka kalena Mr Xirsi waxa kale oo uu kormeer ku soo maray dhismaha Guriga martida Gabiley iyo xayndaab laga hirgelinayo dooxa Arabsiyo oo loogu tallo galay in lagaga gaashaanto in daadadku khasaare u geysteen dadweynaha magaaladaasi.
Wasiirka Madaxtooyada maamulka Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayay ujeedada kormeerkiisa ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyadda ay maamulkooda ugu fadhido mashaariicdan laga hirgelinayo gobolka Gabiley.
Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in Madaxweynaha maamulka Somaliland ay ka go’an tahay wax u qabashada dadka ku nool deegaanada ay maamulan , waxaanu yiri “Aad iyo aadna waan ugu farxsanahay sida wacan ee ay u socdaan, waxaan kormeer ku tagay wadada Wajaale iyo Kala-baydha isku xidhaysa, si fiican ayay u socotaa dhismaheedii, gabyanka lagu xidhayay xabaalaha Arabsiyana maanta gobo gabo ayay yihiin taasina waa himiladii madaxweyanaha ee la xidhiidha in wadanka iyo gobolkaba (Gabiley) wax loo qabto.”
Halkaan hoose ka daawo warbixintaano oo dhameystiran

You must be logged in to post a comment Login