Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiiro isku raacay in la furo wadooyinka xiran ee Muqdisho

unnamed8-515x342

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta isugu yimid kulan aan caadi ahayn, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha ku xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta mudane Ridwaan Maxamed Xirsi.

Kulanka ayaa looga hadlay Wadooyinka Xiran, Xariga lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Nairobi, iyo Xarigii loo gaystay xalay Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Kenya.

Ugu horayntii Wasaaradaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Howlaha Guud iyo Dib u dhiska iyo Amniga Qaranka ayaa golaha usoo jeediyay inay dhibaatooyin kala kulmaan shacabka ku dhaqanka magaalada Muqdisho qaar kamid ah wadooyinka muhimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ee xiran, waxaana golaha Wasiiradu isku raaceen in la furo wadooyinkaas marka laga reebo wadooyinka qaar oo laga sugayo in Wasaarada Amnigu talo ka bixiso qaabka ugu .haboon ee loo furayo.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dood adag ka yeeshay xarigii Qunsulka Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya Mudane Siyaad M Shire oo xalay ay Ciidamadda Amniga Kenya xireen, waxaana goluhu isku raacay xariga Diplumaasiga iyo dhibaatooyinka kale ee dadka Soomaaliyeed kala kulmaan dalka Kenya inay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya war cad kasoo saarto.

Kulanka ay galabta yeesheen golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa u jeedkiisu ahaa in la tixgalio cabashooyinka shacabku ay ka muujiyeen wadooyinka sida gaarka loo xiranayo oo ku soo badanaya magaalada Muqdisho. iyo dhibaatooyinka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay kala kulmeen ciidamada amaanka Kenya.

You must be logged in to post a comment Login