Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiiro Ka Tirsan Xukumadda Madaxwayne Siilanyo Oo Todobaadkan Safar Ugu Baxaya Dalka Itoobiya Iyo Arimaha La Filayo In Ay Kala Soo Hadlaan Iyo Magacyada Wasiirada

cardura tablets buy, buy zithromax. order doxycycline, order zithromax.

clomid without prescription, acquire clomid.

Wasiiro Ka Tirsan Xukumadda Madaxwayne Siilanyo Oo Todobaadkan Safar Ugu Baxaya Dalka Itoobiya Iyo Arimaha La Filayo In Ay Kala Soo Hadlaan Iyo Magacyada Wasiirada

Hargeysa-(SLL/Foore)-Wafti wasiiro ah oo ka tirsan xukumadda madaxxwayne Siilaanyo ayaa todobaadkan la filayaa inay u boqoolaan magaalada jigjiga ee xarunta dawlada deegaanka somalida itoobiya.

Waxaaan sida la sheegay masuuliyiinta dawlad deegaanka somalida itoobiya kala soo hadli doonaan xagga arimaha amniga ubadan.

Warar hoose oo wargeyska Foore ka helay safarka wasiiradan u baxaya dalka itoobiya ayaa tibaaxay inay kamid yihiin wasiirka arimaha gudaha Somaliland Md Cali Waran Cadde,iyo wasiirka warfaafinta Mudane Cadaani,.

Warbixintan ayaa lagu sheegay inay wasiiradani baxayaan labada casho ee fooda inagu soo haya waxaanay si toos ah ugu hagaagayaan oo ay ku dagayaan xarunta dawlad deegaanka somalida itoobiya ee jigjiga iyaga oo kulamo arimo badan lagu gorfayn doono la yeelan doona masuuliyiinta dwlad deegaanka somalida itoobiya.

Majiro warar aanu ka helany masuuliyiintani oo noo xaqiijiyay bixitaankooda balse sida ila wareedyo tabiyeen waxay waftigani kala soo hadli doonaan dawlad deegaanka somalida itoobiya arimo ay ugu horeysi faragalinta ciidamada Liyuu boolisku sida joogtada ah uga soo gudbaan xaduuda Somaliland dhinaca gobolka togdheer,halkaasi oo dhawr jeer laga soo sheegay inay si badheedha ah iyagoo gadiid dagaal wata ay gudaha Somaliland usoo galeen in kabadan 40Km,arintaasi oo cadho ku abuurtay dadka shacabka ah eek u dhaqan deegaamo xuduudka Somaliland ku teedsan oo ka tirsan gobolka togdheer.

Waxay wasiiradani sidoo kale dawlad deegaanka somalida itoobiya arimaha ay kala soo hadlayaan kamid ah wariyihii HCTV uga soo warami jiray gobolka gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahin oo dhawaan ay ciidamada liyuu boolisku ka qafaasheen magaalada Wajaaale isla markaana ku xidhan magaalada jigjiga.

Inkaste oo aanu isku daynay inaan masuuliyiinta telefoon ku helno si aanu wax uga waydiino safarkani way noo suurto gali wayday,kadib markii ay naga qaban waayeen,telefankooda gacanta.

Xaalada nabadgaliyo iyo wada noolaanshoo ee dalalka Somaliland iyo itoobiya ayaa waxa laga baqo qabaa inuu dhaawac kasoo gaadho falalka layaabka leh ee dhawaanahan ay ku kacayso dawlada kililka shanaad eek a tirsan fadaraalka itoobiya taasi oo ciidamada liyuu booliska la yidhaa dhibaato wayn ka gaysanayaan deegnada ku teedsan dhulka ay Somaliland xadku u dhaxeeyo gaar ahaan gudaha oo ay ku nool yihiin dad dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland taasoo keentay xataa in maalmihii u danbeeyey si wayn loo hadal hayo in ciidamadaasi kasoo talaabeen tiraba dhawr jeer dhinaca xuduudka gaaar ahaana meelaha ku began gobolka togdheer oo ay ka gaysteen dhibaatooyin dhinaca amnig ah iyada oo dad badan oo kasoo qaxay dhibta liyuu boolisku ku sugan yihiin gudaha magaalooyinka Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login