Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirrada IGAD oo Kulankoodii ugu Horreeyay ku Yeelanaya Mag. Muqdisho

eeshaan muddo ka badan 24-sano.

Ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in shirku uu dhici doono 10-ka bishan Jannaayo oo ku beegan Sabtida soo socota, iyadoo intiisa badan looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale, ilo wareedyadan ayaa sheegay in qaban-qaabada shirka IGAD ay ka billaabatay Muqdisho, iyagoo sheegay in shirkan uu socon doono muddo hal maalin ah.

Wasiirrada arrimaha dibadd dalalka Itoobiya, Uganda, Kenya, Suudaan, South Sudan iyo Jabuuti ayaa lagu wadaa inay Muqdisho yimaadaan dhammaadka todobaadkan si ay uga qaybgalaan shirka uga furmaya Muqdisho markii ugu horreeyay.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shirka wasiirrada ka socda dalalka IGAD furi doona, maadaama ay Somalia xubin muhiim ah ka tahay IGAD oo ah urur ay ku mideysan yihiin dalalka ku yaalla Bariga Afrika

Hoggaanka IGAD oo ay sannadkan haysay dowladda Itoobiya ayaa la filayaa in dhawaan ay qabato Soomaaliya, inkastoo aan si dhab ah loo xusin xilliga ay Soomaaliya qaban doonto madaxnimada urur-goboleedka Geeska Afrika.

Kulanka urur goboleedka bariga Afirka ee Muqdisho ka dhacaya ayaa waxay fursad weyn u tahay dowladda Soomaaliya oo ah dowladdii ugu horreysay ee rasmi ah oo caalamku aqoonsaday tan iyo markii xukunka laga tuuray 1991-kii dowladdii milateriga ahayd.

Si kastaba ha ahaatee, IGAD ayaa waxaa xubno ka ah Somalia, Itoobiya, Uganda, Jabuuti Suudaan, Kenya iyo South Sudan oo labo sano ka hor ku soo biirtay, waxaana horay uga baxday dowladda Ertirea.

  order sildenafil, generic Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login