Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wax ka baro caddaalad darradii xilligii Road Map-ka lagu sammeeyey beelaha iyo deegaanada Koonfurta Soomaaliya

Kamagra Flavored buy online, zithromax reviews. Cadaalad daradii dhacday xiligii ROAD MAP-ka oo Dastuurka Federaalka la qoray, waxaa sameeyay oo wax laga weydiinayaa Madaxweynihii Hore ee DF Somalia Sheekh Sharif Sheekh Axmed, oo xiligii dastuurka la qorayey aaminsanaa in mar labaad loo dooran doono inuu noqdo Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya oo aan ku meel gaar aheyn.

Xiligaa Dastuurka Federaalka KMG ah laqorayey ayaa qorshahii Road Mab-ka oo uu ku jiray qoritaanka Dastuurka Federaalka ayaa wuxuu gebi ahaan gacanta u galay Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo Ra’iisul Wasaarihii DF Somalia Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas. Labada mas’uul oo isku beel ah kana soo jeeday Maamulka Puntland ayey u suurta gashay inay sidii ay rabaan u qortaan Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya. Dastuurka ayaa qofkii si taxadar leh u aqriya uu fahmi karayaa in ujeedada dastuurkani ahayn in Soomaaliya noqoto qaran lamid ah wadamada Caalamka, waayo dastuurka ayaa ah mid isku qasan, qodobo badan iska hor imaanayaan, looguna talo galay in khilaaf joogto ah ka dhex jiro Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Somalia.

Dastuurkan ayaa sidoo kale u qoran inay awooda iyo matilaada ay isku haystan Dawladaha xubnaha ka noqonaya Federaalka iyo Dawlada Federaalka Somalia. Mas’uuliyiinta qortay dasturka ayaa sidoo kale xooga saaray inaan wax laga bedelin. Link-gaan ka aqriso Dastuurka Federaalka ee Dawladda Soomaaliya hadda ku shaqeyso.

http://www.parliament.gov.so/index.php/so/publications/finish/10-dastuurka/14-dastuurka-ku-mmeelgaarka-ah

Mas’uuliyiinta Dastuurkan qoray ayaa ugu talo galay in gobolada qaar iyo dadka degan xuquuqdooda ku duudsiiyaan, iyaga oo diidey in loo noqdo 8-dii gobo ee xiligii Somalia xornimada qaadatay. Dastuurka ayaa lagu saleeyay 18 gobol oo aan ku imaan si caddaalad ah. Gobollada dulmiga uga badan lagu sameeyay waxaa kamid ah Ex- Banaadir (Goboladii Ex Banaadir oo in maamulo lagu kala daro loo qorsheyay, Caasimada Muqdisho xuquuqdeeda meel dhexe laga laadlaadiyo), Gobolka Hiiraan (Hiiraan oo ah gobolka kaliya ee 1960-kii ahaa gobol kamid ah 8-dii gobol ee xiligaa ayaa noqonaya gobolka kaliya oo aan labo gobol laga dhigin, xiligii gobolada laga dhigay 18-ka Gobol), Mudug iyo Galgaduud (Labadaan gobol oo la qorsheeyay in qaab dastuuri ah loogu diido inay noqdaan Maamul ka mid noqda Federaalka Somalia), Gobolada Bay iyo Bakool oo laga reebay Gobolka Gedo oo ay hore u wada ahaayeen Alta-Juba (Jubada Sare) iyada oo beelaha deegaan ahaan u badnaa Alta Juba aan wax tashi ah laga gelin.

Cadaalad darada kale ee hadda socota ee loogu magac daray VISION 2016 waxaa geystay oo wax laga weydiinayaa Madaxweynaha DF Somalia Prof. Xasan Sheekh Maxamud.

1-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ogolaaday qorshayaal sharci daro ah, cadaalad daro ah, isaga oo aqoonsaday Maamulo/dawlado ka mid noqonaya federalka Somalia oo aan ku imaanin sidii sharciga ahayd oo baarlamanka Soomaaliya ansixiyey. Qorshaha baarlamaanka ansixiyey oo aheyd dhismaha dawlad goboleedyada bey aheyd inay ka billowdaan dhismaha maamul kasoo billowda heer tuulo, heer degmo ilaa heer gobol, labadii gobol ee is raacayana ku yimaadaan rabitaanka shacabka goboladaas. Link-gaan website-ka baarlamanka ka aqri sharciga Maamullada degmooyinka iyo Gobolada

http://www.parliament.gov.so/index.php/so/publications/finish/27-sharciyada-la-ansixiyay/81-sharciga-maamullada-degmooyiinka-iyo-gobollada

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo ogolaaday in Dawladda Federaalka Somalia halka Federaalka lagu yahay ay noqoto Magaalada Muqdisho, Go’aamada Baarlamanka iyo Maamulka Xukuumada ay ku koobnaadaan Muqdisho, Canshuuraha miisaaniyada u noqonaya DF Somalia ku koobnaato oo ka timaado Ganacsatada iyo shacabka Magaalada Muqdisho, DF Somalia oo maamulaysa canshuurta reer Muqdisho aysan masuuliyad iska saarin dadka canshuur bixiyayaasha ee reer Muqdisho loogu qabto dhaqaalaha ka yimaada canshuurta laga qaado adeegyada bulshada ee ay u baahan yihiin sida iskuulaadka, Isbitaalada, Nabadgelyada, Nadaafada, dib udhiska Jidadka, Korontada, biyaha, shaqo loogu sameeyo shacabka Muqdisho. Fiiri Link-gaan miisaaniyada Wasaaradda Maaliyadda ee ku salaysan canshuurta Muqdisho iyo sida loo qeybsado’

http://www.mof.gov.so/wp-content/uploads/2014/04/Approved-Appropriation-Act-for-2014-00005.pdf

Xubnaha Dawladda Federaalka Soomaliya iyo Shaqaalaha u shaqeeya ee lagu magacaabo “Civil Servant” ee uu hayo list-gooda Cali Dheere, kuwaas oo iska maamusha canshuurta reer Muqdisho, una shaqeeya sida inay yihiin golaha deegaanka iyo golaha fulinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaan aheyn inta badan dad kasoo jeeda Muqdisho.

Xubnahaan ayaa ah kuwo deeq bixiyayaasha caalamka wax ka weydiiyaan dhinacyada caafimaadka, Waxbarashada, Dib u dhiska, Amniga iyo adeegyada kale ee reer Muqdisho iyo Gobolada aan aheyn Somaliland, Puntland iyo Maamulka Juba.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda qabaailka samaystay Maamul ee Puntland iyo Juba xeeladii ay rabaanba ha isticmaalaane oo xubnaha ka ah Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa mushaarkooda ka qaata canshuuraha laga qaado shacabka Muqdisho, sidoo kale Xubnaha ugu muhiimsan Golaha wasiirada oo Maamula Canshuurta reer Muqdisho waxaa kamid ah.

1-Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane oo beel ahaan aad ugu dhow hogaamiyaha Maamulka Juba Ahmad Madoobe, qorshaha miisaaniyadiisa ebid kuma darsan in canshuur mideysan dalka laga qaado, gaar ahaan Maamulada Federaalka Somalia ka midka ah ee Puntland iyo Juba, Maamuladaas oo gacanta ku haya 2 kamid ah ilaha dhaqaalaha dalka oo ah Dekedaha Boosaaso iyo Kismaayo. Xuseen Xalane ayaa ku qanacsan in Canshuurta Federaalka laga qaado kaliya shacabka reer Muqdisho isaga oo isticmaalaya calooshii u shaqeyste kasoo jeeda Ex Banaadir oo ku magacaaban Wasiiru dawlaha Maaliyada Cabdullahi Maxmed Nuur. Cabdullahi Maxamed Nur ayaa canshuurta Magaca Federaalka looga qaado magaalada Muqdisho hadda gaarsiiyey Canshuurta beriga, Guryaha, Caanaha, Cowska, Shaqaalaha ka shaqeeya shirkadaha , isaga oo canshuurtaa u geeya marka laga reebo qeybta uu reebto Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise iyo Wasiirka Maaliyada Xuseen Xalane oo beelaha ay kasoo jeedaan aan maamulkooda lagu faragelin canshuurta Ganacsatada, Dekedaha Boosaaso iyo Kismaayo.

2-Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciiser wuxuu kasoo jeedaa Puntland, waxaa gacanta loo soo geliyaa canshuurta laga qaado ganacsatada, dekeda iyo Garoonka Muqdisho, shaqaalaha bank-ga qeybaha muhiimka ah wuxuu ka buuxiyey beeshiisa, wuxuu shaqaalaha qeyb yar ka siiyey qaar kamid ah beelaha dega Muqdisho. Bashiir wuxuu ku qanacsan yahay inuu magac ahaana ku magacawnaado Somalia, Canshurta Muqdishana maamulo. Bank-ga maamulka Puntland oo uu kasoo jeedo ebid ma fara gashan, sidoo kale Bank Maamulka Juba Kismaayo ka furteen sidoo kale maba quseeyaan, oo waxaa ay ka yihiin dal kale camal.

Isku soo wada duube Cadaalad darada saameysay beelaha Hawiye, Digil/Mirifle iyo Beesha 5-aad waxaa masuuliyadooda dusha u ridanaya Madaxweynihii hore DF Sheekh Sharif, Madaxweynaha haatan Talada haya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo isagu goostay inuusan sixin dastuurka isku qasan ee dalka Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login