Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

—Waxaa Caawa Xaafada ka tirsan magaalada Muqdisho laga maqlayaa daryanka Madaafiic Culus kuwaasi geystay Khasaaro isugu jiro dhimsho iyo dhaawac.

Goobjooge ayaa sheegay in ku dhawaad 2 Madfac ay ku dhaceen Xaafado ka tirsan Degamada Boondheere ee Gobolka Banaadir waxuuna tilmaamay in Weerarkaasi ay ku geeriyootay Haweeney, Isagoona sidoo kale xusay in ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 4 kale.

“Waxaan si xoogan u maqleynaa dhawaqa Madaafiic Culus kuwaasi oo qaarkood ku soo dhacay Xaafado ka mid ah Degmada Boondheere” sidaasi waxaa yiri Goobjoogaha.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmada Boondheere ee Maamulka Gobolka Banaadir Qaasin C.laahi Xasan oo la hadlay Idaacadda ku taala Muqdisho Caawa ayaa sheegay in Madaafiiicda laga soo tuuray Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

“Haa, waa sax labo Hoobiye ayaa ku dhacday Xaafado ka tirsan Degmada aan Guddomiyaha ka ahay balse waxaa hubaal ah in Madaafiicdan laga soo riday Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir” sidaasi ayuu yiri Guddoomiyaha.

Waxuuu sidoo kale qeexay Qaasin C.laahi Xasan Guddoomiyaha Degmada Boondheere in Dadka ku dhaawacay Weerarkii Caawa in loo qaaday Isbitaalka Daarushifa ee Magaalada Muqdisho kuwaasi uu tilmaamay in Xaaladooda ay wanaagsan tahay.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa faraha ka baxay waxaana taa Diliil u ah in maanta Gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka iyo Siyaasada Degmada Hiliwaa uu ka badbaaday isku day Dil waxaana sidoo kale Qarax ku geeriyooday maanta Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka Degmada Xamar-Jajab kadib markii Qarax lagu xiray Gaariisa Kamagra buy online, purchase zithromax.

You must be logged in to post a comment Login