Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Webi isu bedelay dhiig

order tadalafil, zithromax online.

Webi mara duleedka magaalada Norilsk ee dalka Ruushka ayaa isu bedelay dhiig- guduud, taas oo la yaab ku noqotay dadka deegaanka iyo maamulka degmada oo markiiba bilaabay baaritaan.

Webiga Daldykan oo mara Siberia ayaa lumiyey midabkiisii dabiiciga ahaa Talaatadii, sawiro lagu baahiyey warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa muujinaya biyihii webiga oo guduud ah.

Webiga Daldykan wuxu isu bedelay dhiig | © krasnews / Instagram.
Webiga Daldykan wuxu isu bedelay dhiig | © krasnews / Instagram.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Khayraadka Dabiiciga ah ee Ruushka ayaa lagu xaqiijiyey inuu webigu isbedelay ayna baaritaan ku wadaan sababaha keenay.

Wasaaraddu waxay xustay in laga yaabo inay webiga saamaysay shil ka dhacay wershad halkaas ku taal oo soo saarta macdano kala duwan iyadoo adeegsata walxo kiimiko ah.


Balse, masuuliyiin ka tirsan wershada Norilsk Nickel oo la hadlay wakaalada wararka ee RIA Novosti ayaa beeniyey in shil ka dhacay wershadooda, iyagoo leh xataa ma jiro liig ay sii deysay.

Si kasta ha ahaatee, shirkada leh wershadaas ayaa go’aansatay inay si ku meel gaar ah hoos ugu dhigto wax soo saarkii ilaa xaalada laga xaqiijinayo.

Penegra without prescription, lioresal without prescription.

Webiga oo midabkiisii bedelanyahay.
Webiga oo midabkiisii bedelanyahay.

Sawiro ay shirkadu ka qaaday hawada sare gelinkii dambe ee Talaatada ayaa muujinaya webiga oo midabkiisii caadiga ahaa ku soo noqday. Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in webigu caadi yahay xiligan.

Masuuliyiinta deegaankaas ayaa sheegay inaysan jirin cid ay waxyeelo ka soo gaartay dhacdadaas, sidaa darteed aysan ku soo rogi doonin gobolka xaalad deg deg ah.

order nolvadex, order dapoxetine.
Dadka deegaanka ayey arrintu ku noqotay lama filaan waxayna ku eedeeyeen wershada Norilsk Nickel oo iyadu hawlo macdaneed halkaas ka wada inay deegaanka wasakhaysay.

Sawiro ay shirakadu qaaday gelinkii dambe ee Talaatada ayaa muujinaya webiga oo caadi ku soo laabta | © Norilsk Nickel.
Sawiro ay shirakadu qaaday gelinkii dambe ee Talaatada ayaa muujinaya webiga oo caadi ku soo laabtay | © Norilsk Nickel.

You must be logged in to post a comment Login