Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Weerar argagixiso oo lagu fashiliyay Kambala

order sildenafil, lioresal online.

Dowladda Ugandha ayaa sheegtay ineey ciidamadeedu fashiliyeen weerar argagixiso oo unug Alshabaab ka tirsan ka geysan lahaa caasimadda dalkaasi ee Kambala.

Wasiirka arrimaha gudaha Uganda ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen saraakiisha laanta socdaalka lagu xiray 69 qof oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga shaqeysanayeen qeybo ka tirsan caasimadda Kampala.

Sidoo kale afhayeenka booliska Uganda, Fred Enanga ayaa xaqiijiyay in ciidanka ay howlgalka ku xireen dhowr xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo sida uu sheegay qorsheeynayay falal argagixiso.

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanku ku leeyahay dalkaasi,  ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka Uganda ay sameeyeen howlgal lagu fashiliyay unug ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa Kampala.

Shalay ayeey aheyd markii  ciidamada ammaanka Uganda ay galeen Laba hoteel oo ku yaala Kambala kuwaas oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, lamana oga ilaa iyo hadda in raggaasi ka tirsan Al-shabaab lagu soo qabtay howlgalkaasi iyo inkale.

Ciidamada Uganda ayaa adkeeyay ammaanka goobaha muhiimka ah, sida garoomada diyaaradaha iyo xarumaha dowladda.

You must be logged in to post a comment Login