Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Weerar ay dad lagu laayay oo ka dhacay dalka Australia.

S

Aug 13, 2019

 0S

Muqdisho–Nin hubaysan ayaa loo xiray weerar ka dhacay bartamaha magaalada Sydney ee dalka Australia.

Ruuxa gacanta lagu dhigay oo ku hubaysnaa tooray ayaa loo haystaa weerar uu ku qaaday haweenay ku sugneed bartamaha magaalada.

Haweenay kale ayaa mayd keeda laga helay gudaha dhisme ku yaalo isla wadada uu weerarka ka dhacay  balse ma cadda in labada weerar ay xiriir leeyihiin.

Booliska ayaa sheegay in ruuxa latuhun sanayahy uu fuliyay weeraro dheeraad ah oo loo adeegsaday tooray.

Haweenayda ku dhaawacantay weerarka loo adeegsaday toorayda ayaa loo qaaday isbitaalka iyadoona boolisku ay sheegayaan in haatan aysan jirin wax cabsi ah.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Australia Scott Morrison ayaa bartiisa twiterka kusoo qoray in uu aad uga walaacsan yahay weerarka ka dhacay bartamaha magaalada Sydney ee dalka Australia.

You must be logged in to post a comment Login