Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Weerar dad badan lagu laayey oo ka dhacay duleedka Magaalada…

buy Gold Vigra, Sildalis no rx, order clomid. Brand Viagra without prescription, purchase zithromax. cheap Zoloft.
Dabley hubeysan ayaa saaka lix ruux ku dilay duleedka magaalada Mandhera oo ka tirsan gobolka woqooyi bari Kenya ka dib markii ay weerareen labo bas oo dad shacab ah ay la socdeen.

Dadka dhintay ayaa la rumeysan yahay inay yihiin shan qof oo rayid ah iyo qof boolis ahaa, Ugu yaraan 11 kale oo rayid ah ayaa lagu dhaawacay weerarka oo ka dhacay inta u dhaxeysa Ceel-Waaq Kenya iyo hala loo yaqaano War-Guduud.

Qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarkan ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay tacshiirad aan loo meel dayin ku fureen basaskii ay la socdeen.

Taliyaha booliiska Kenya Joseph Boinnet ayaa sheegay in weerarkan uu aha mid argagaxiso oo ay ka dambeeyeen dabley ka tirsan Al-shabaab.

Kenya ayaa horay uga digtay suuragalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca dalkaas xilli ay gebagebo marayso bisha barakaysan ee Ramadaan.

Guddiga ammaanka ee Mandheera ayaa uga digay dadka aan Soomaalida aheyn in todobaadkan ay dhulka ku safraan iyadoo laga cabsi qabay weerraro in lagu qaado.

You must be logged in to post a comment Login