Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Weerar Khasaara Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Jaziiradda Lamu Dalka Kenya.

Malegra FXT without prescription, lioresal reviews. Ku Dhawaad Toban qof ayaa ku dhimatay wadanka Kenya kadib weerar xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay magaalo dhacda Xeebta wadankaasi.

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay xalay fiidkii weerareen magaalada Laamu ee loo tamashla tago sida ay baahisay warbaahinta Kenya.

Sarkaal u hadlay booliska Kenya ayaa sheegay in xoogag aad uhubeysan ay xoog ku jiireen deegaanka Mpekenton oo Laamuu katirsan waxayna toogasho ku bilaabeen dad ka cunteynayay maqaaxi xeebta ku teedsan.

Qof si dirqi ah ugasoo badbaaday weerarka ayaa yiri “Rag hubeysan oo Allaahu Akbar ku qeylinayay ayaa goobta soo galay toogasho ayay bilaabeen ugu yaraan 6 qof Meyd ah ayaan arkay anna waan soo badbaaday”.

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in ragga weerarka geystay ay soo qaateen laba gaari oo yiillay xeebta Laamuu islamarkaana ay saanado hub ah kasoo qaateen saldhig boolis.

Ma ahan weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado Laamuu bishii May ee sanadkan ayaa weerar dhimasho iyo dhaawac dhaliyay lagu qaaday saldhig booliska oo Xeebta kuyaal.

You must be logged in to post a comment Login