Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Weeraro xaleey Ka Dhacay Xaafado Katirsan Muqdisho,Ceelasha Biyaha iyo Qoryooleey.

Iska hor’imaadyo xooggan ayaa xaleey fiidkii ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho oo bilihii lasoo dhaafay ay kusii xoogaysanayeen  Al Shabaab. 

Xaleey fiidkii ayaa laweeraray saldhigyada ciidamada Amison iyo kuwa Dowladda Federaalka ku leeyihiin degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa.

Dhinaca kale ciidamada xarakada Al Shabaab ayaa weerar ku dhawaad hal saac socday ku qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ceelgaruun ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dhanka duleedka degmada Qoryooley iska hor’imaadyo ayaa ka dhacay tuulada Buula Sheekh,goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay gabaldhicii shaleey weerar dhabagal ah u dhigeen ciidamada AMISOM waxaana iska hor’imaadyadaasi ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Somalimedia.co.uk
Mogadishu-Somalia
Email : info@somalimedia.co.uk

You must be logged in to post a comment Login