Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Weriye lagu dilay dagaal ka dhacay Sh/Hoose.

S

 Aug 14, 2019

 0S

Muqdisho–Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in uu geeriyooday  Wariye Gacal Cabdulle ka tirsanaa Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida, isla markaasna ahaa Sawir qaadaha gaarka ah ee Taliyaha Ciidamada Lugta ee Xoogga dalka General Odawaa.

Wariye Gacal ayaa ku geeriyooday dagaal ka socda degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab

Allaha u naxariistee Weriye Gacal ayaa ka mid ahaa tiro Wariyeyaal ah oo maalmo ka hor ka baxay magaalada Muqdisho, kuwaas oo Awdheegle u joogay soo tabinta wararka deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay ciidamada dowladdu kala wareegeen Al-Shabaab. 

You must be logged in to post a comment Login