Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wiil Somali-Canadian ah oo loo heysto dambi ah inuu ku biiri lahaa Al-shabaab oo Maxkamad la horkenay.

Wiil Somali-Canadian ah oo loo heystay dambi ah inuu ku biiri lahaa kooxda Alshabaab ayaa waxaa la sheegay in la hor keenay maxkamad ku taala magaalada Toronto ee dalka Canada ka dib markii laga shakiyey inuu safar jihaad ah u aadi lahaa dalka Soomaaliya.
Wiilkaan Somali-Canadianka ah oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Xersi oo 28 sano jir ayaa waxaa la sheegay in sanadkii 2011 lagu qabtey garoonka diyaaradaha ee lagu magacaabo Toronto Pearson Airport oo ku yaala duleedka magaalada Toronto ee dalkaas Canada xilli uu damacsanaa inuu garoonkaas ka dhoofo, Wiilkaan Soomaaliga ah ayaa arintiisa waxay bilaabatey sanadkii 2010 ka dib markii uu dhar geystay meesha dharka lagu dhaqo ee dry cleanerka uu ku iloobay aalada wax lagu keydiyo ee loo yaqaan USB iyadoona ay shaqaalihii dhardhaqidaasi ay u gudbiyeen USBgaas booliiska taas oo ay baaritaan ka dib ay booliiska ka heleen inuu USB uu ku keydsanaa macluumaad ku saabsan sida loo sameeyo bamka iyo qaraxyada kaleba, intaas ka dib ayaa waxaa ninkaas Soomaaliga ah la daba dhigay nin jaajuus ah oo isaga dhigaayey nin asagana u jidbeysan yahay inuu ka qeyb qaato jihaadka lagula jiro gaalada iyadoona uu ninkaas jaajuuska ah uu macluumaadka uu ka helo wiilkaas Soomaaliga ah uu si toos ah ugu gudbinaayey booliiska dalka Canada oo iyagana isha ku haayey ninkaas.
Ugu dambeyntiina iyadoo dacwada loo heysta wiilkaas Soomaaliga ah ay bilaabatey ayaa garyaqaanka u doodaaya wiilkaas Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Paul Slansky waxaa uu sheegay in ninkii jaajuuska ah uu waxyaabo badan oo aan jirin uu ka soo gudbiyey wiilkaas Soomaaliga ah, Ninkaan Jaajuuska ayaa waxaa ka mid ahaa waxyaabaha uu ka soo tabiyey wiilkaas Soomaaliga ah inuu u sheegay inuu damacsan yahay inuu ku biiro kooxda Alshabaab islamarkaana ay tahay waajib saaran qof walba oo muslim ah inuu ku jihaado gaalada ku soo duushay dalka Soomaaliya oo uuna ku shahiido dagaalkaas, Sidoo kale ayuu jaajuuska waxaa uu sheegay in wiilkaan Soomaaliga ah uu u sheegay inuu saaxiib la ahaa wiil lagu magacaabi jirey Maxamed Cilmi Ibrahim oo ku dhintey dagaalada Soomaaliya xilli uu ka barbar dagaalamayey Alshabaab iyo inay qaraabo yihiin wiil kale oo Soomaali ah oo loo qabtey inuu qarxin lahaa xarumo laga dukaameysto oo ku yaala magaalada Ohio ee dalkaas Mareykanka, laakiin waxaa dhamaan arintaas diiday garyaqaanka wiilkaas oo ku tilmaamay been abuur iyo inuu ninkaas kalligiis aliftey.

You must be logged in to post a comment Login