Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Safaarada Britain oo 20 sano kadib laga furay maanta magaalada Muqdisho

Xog-hayaha arrimaha dibedda ee waddanka Britain, William Hague ayaa maanta booqday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Wuxuu la kulmay intii uu ku sugnaa Muqdisho Madaxda ugu saraysa Dowladda sida Madaxwaynaha, Ra’iisul Wasaaraha, iyo qaar kamid ah Gollaha Wasiirada.

William Hague ayaa furay safaaradda cusub ee Britain ee magaalada Muqdisho, Waa markii ugu horreysay ee Britain ay safaarad ku yeelato Soomaaliya tan iyo 1991 xilligaas oo safaaradda la xiray.
Tallaabadan ayaa ka dhigeysa UK dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan Midowga Yurub oo safaarad dib uga furta Soomaaliya.
Xafladda dib u furidda safaaradda waxaa Willaim Hague kala qeyb-galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Xog-hayaha arrimaha dibadda iyo madaxweynaha ayaa sidoo kale ka wada xaajooday shirka looga hadlayo Soomaaliya ee London ka dhici doona 7-da May.
Isagoo ka hadlayay dhismaha cusub ee safaaradda, xog-hayaha arrimaha dibadda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in 22 sano kaddib uu maanta dib u howlgeliyay safaaradda Britian ee Soomaaliya.
Hague ayaa sheegay in xiriirka UK iyo Soomaaliya uu sii xoogeysanayo, isagoo intaas raaciyay in dowladda UK ay ka go’an tahay la shaqeynta dowladda federaalka Soomaaliya.
Safaaradda cusub ayaa dhismaheedu wuxuu ka socdaa dhul madaxweyne Xasan Sheekh uu dabayaaqadii 2012 siiyay dowladda Britain.

You must be logged in to post a comment Login