Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaaladda Barakacayaasha Xerada Badbaado oo laga deyrinayo

Gudoomiyaha degmada Dharkeenlay ee dowladda Soomaaliya Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka deyriyay xaaladda barakacayaasha ku jira Xerada weyn ee Badbaado oo ku taalla duleedka degmada Dharkeenlay.
Macalin Cabdulle ayaa sheegay in mudo 8 bilood ah aysan wax gargaar ah helin barakacayaashaasi iyadoo ay taasi jirto hadana uu saameeyay kulka hada taagan taas oo keentay in xaaladda xaga nolosha ay soo wajahdo oo ay ugu daran tahay caafimaad daro.
Gudoomiyaha degmada Dharkeenlay ee dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda iyo Hay’adaha oo hada ka gaabiyay wax u qabashada barakacayaasha Badbaado in ay gurmad deg deg ah lasoo gaaraan dadka ku dhibaateysan Xerada.
Xerada badbaado ee magalaada Muqdisho ayaa ah Xerada ugu balaaran oo ay ku jiraan barakacayaashii soo gaaray Muqdisho ee kasoo barakacay gobolada dalka.

You must be logged in to post a comment Login