Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaaladda Leego oo kacsan iyo dagaal laga baqdin qabo

Xaaladda deegaanka Leego ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa aad u kacsan kadib markii labandii maalmood ee la soo dhaafay ay isaga hor yimaadeen ciidanka maamulka iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan Millateriga dowladda.

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in ciidanka Millateriga ay gurmad ka helayaan kuwa kale oo isla Millateriga ka tirsan.

Guddoomiyaha deegaanka Leego Abuukar Cabdullaahi ayaa u sheegay Warqaad in deegaankooda ay soo weerareen guutada 6aad ee ciidanka xoogga isla markaana dagaal uu ka dhex dhacay.

Deegaanka xaaladdiisu ma sahlana waxaana la soo sheegayaa in guddoomiyaha iyo maamulkiisa qeyb kamid ah deegaanka ay heystaan halka kuwa kalena ay in kale xukumayaan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Wakaaladda wararka Warqaad ayaa sheegaya in ciidanka maamulka iyo kuwa millateriga ay isku dagaaleen lacago canshuuro ah oo deegaankaasi laga qaado.

You must be logged in to post a comment Login