Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xagey mareysa xaaladi deyn cafinta Somalia?

April 13, 2019

Washington  – C/raxmaan Ducaale Beyle wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya oo la hadlayay warbaahinta ayaa ka warbixiyay  shir uu uga qeyb galay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Shirkan oo ahaa mid caalami ah ayaa wasiirka lagu weydiiyay  su’aalo la xariira arrimaha deyn cafinta iyo dadaalada ay wado dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in hay’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Bangiga Adduunka ay bogaadiyeen hormarka ay haatan ku talaabsaneyso Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa haatan ku sugan dalka Mareykanka, kuwaas oo uga qeyb galaya shirar waa weyn oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login