Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xarakada Al shabaab oo xarun Caafimaad Oo Laga Hirgeliyay Magaalada Ceelbuur

Maamulka Islaamiga Galguduud ayaa magaalada Ceelbuur ka hirgelisay xarun caafimaad oo bulshada u qaban doonto adeegyada caafimaad ee muhiimka ah.

Munaasabad lagu furiyay xarunta caafimaadka magaalada Ceelbuur ayaa shaleey gelinkii dambe ka dhacday isla magaaladaasi,mas’uuliyiin katirsan maamulka al shabaab ee Galguduud,dhaqaatiir iyo howl-wadeenno caafimaad ayaa kasoo qeyb galay munaasabaddii lagu furayay xarunta caafimaadka.

Sheekh Xasan Yacquub Cali oo kalimad ka jeediyay munaasabaddii lagu furayay xarunta caafimaad ayaa sheegay in maamulkooda ku guuleysatay dib u howlgelinta MCH-ka Ceelbuur.

Ciidamada Xabashida Itoobiya oo sanaddii lasoo dhaafay duulaan ku qabsaday Ceelbuur ayaa burburiyay isbitaalka weyn ee degmada Ceelbuur iyagoo qaatay dhammaan qalabkii yiilay isbitaalka arrinkaasi oo dhaliyay in bulshadu weyso adeeg caafimaad oo muhiim u ahaa .

Waa Markii ugu horreysay oo maamulka al shabaab ee Galguduud ay dib u howlgeliso xarunta caafimaadka magaalada Ceelbuur.

You must be logged in to post a comment Login