Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xarakada alshabaab oo xukun ku riday nin la shegay in uu kufsi geystay

Maxkamada xarakada Al Shabaab ee magaalada ayaa xukun dil ah ku fulisay wiil kufsi iyo fara xumeyn ku sameeyay Wiil kale oo 13 ji ah ah.
Ninka ku kacay falkaani kufsiga ah ayaa lagu magacaabo Maxamed Cali Baashi ayaa kufsaday wiil 13 sano jir ah laguna magacaabo Xasan Aweys
Qaadiga Maxkamada ayaa sheegay in markii uu qirtay eedeysane Maxamed Cali Baashi in uu u galmooday wiilka yar isaga oo xoog adeegsanayo ne uu kufsaday lagu xukumay xukun dil ah.

Wakiilka Xarakada Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo Fagaara ku yaal magaalada Qoryooley ku la hadlay boqolaal qof oo usoo daawasho tegay xukun dil ah oo lagu fulinayay qof xadgudbay asiga oo sheegay in sidaan oo kale shareecadda loo marsiinayo qof waliba oo ku kaca falalka ceenkaan oo kala ah.

Soomaaliya loogama baran falalka la xiriira in raga ay isku galmoodaan, waxaana inkastoo la aaminsan yahay in ay jiraan rag isku taga hadana ay tani ay noqoneysaa xukunkii ugu horeeyay ee ka dhacay gudaha dalka soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login