Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XASAASI: Maxaa Dhexmaray Xassan Sheekh & Sharmaake ?

where can i buy clomid online, buy zithromax online buy baclofen online cheap, acquire lioresal. buy Cialis Black online cheap, buy lioresal online. .
Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in uu kulan xasaasi ah dhexmaray markale Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake & Madaxweynaha dawladda Faderaalka Xassan Sheekh Maxamuud, kaas oo ku soo dhamaaday Is afgaran-waa, iyadoo si weyn looga wada hadlay arrimaha Heshiisyadii horey loo galay ee la xariiray Habraaca doorashada Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Xaafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in uu kulankan uu ka duwanaa kuwii horey u dhacay uu kusoo dhamaaday Is afgaran-waa labada masuul, maadaama Madaxweynuhu uu doonayo in wax laga bedelo heshiisyadii lasoo galay.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu si cad shalay ugu sheegay Guddiga baarlamaanka in haddii ay wax ka bedeleen heshiisyadii la galay bishii lasoo dhaafay ee April, ay halis galinayaan geedi socodka doorashada iyo Mustaqbalka Soomaaliya.

Mr, Sharmaake wuxuu si cad ugu cadeeyey baarlamaanka in haddii ay qaataan go’aanka ah in ay wax bedelaan ay halis galiyeen wax kasta oo ay iskugu imaan lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed, loogana baahan yahay in ay danaha Gobaleysiga ka weynaadaan oo ay arkaan oo kaliya Mustaqbalka dalka.

Sidda ay hadda wax ku socdaan xaaladda doorashada Soomaaliya waxay ku socotaa mid aan laysku raaci doonin, iyadoo kooxda DAMU JADIID ay doonayaan oo kaliya in ay danahooda ka fulaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaana qorshaha la xariira in ay helaan sidda ay rabaan oo kaliya.

You must be logged in to post a comment Login