Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xasan Daahir oo xabsiga la geeyay iyo Sirdoonka Shisheeyo oo ku lug leh baaritaankiisa

Sheikh Xasan Daahir oo ilaa caawa 7 Fiidnimo xiliga Muqdisho ku sugnaa Garoonka Aadan Cade ayaa xabsiga la dhigay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Isqilaaf aad u wayn soo kala dhex galay ergadii Cadaado Sheikha ka soo kaxaysay iyo Dowlada. Ergadii sheikha soo kaxaysay ayaa aad uga carooday balan ka baxa lagu sameeyey waxayna aad uga caroodeen tilaabadaan Sheikh Xasan Xabsiga lagu dhigay. Waxaa lagu qaaday baabuurta Sirdoonka waxaa la geeyey xabsiga ay maamusho Hay,ada nabad sugida. sidoo waxaa yiri goobjooge aan la xiriirnay oo magaciisa ka gaabsaday.Sidoo kale waxaa soo baxaysa in masuuliyiinta dowladu ku kala qaybsameen arinkaan Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa aad uga carooday arinkaan laakin xaal wuxuu iskugu biyo shubtay in Xasan Xabsiga la dhigo.

Sidoo kale waxay dadka siyaasada indha indheeya isla dhex marayaan in Ciidanka Sirdoonka Ingiriisku Baxsheen amarka Sheikha looga qaaday Xuriyadiisa.Laakin arinta asalkeeda waxaa hada gacanta ku haysa Ha,ada Nabadsugida Qaranka.

Wixii ka soo kordha insha ku hay shabakada www.somalinimo1.com

Xafiiska Warqabadka Muqdisho

You must be logged in to post a comment Login