Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xasan Sheekh maku guuleysan doonaa dagaalka uu kula jiro Alshabaab inta waqtigiisa ka hartay?

Image

Dagaalka ka dhexeeya Alshabaab iyo Beesha Caalamka wuu sii socon doonaa illaa muddo aan la aqoon oo ilaahay garanaayo.

Inta uu dagaalkaas socdana waxaa iman doona madaxweynayaal iyo dowlado cusub oo isbedeli doona ayadoo midwalba ay shaqeyn doonto muddo cayiman oo loogu talagalay.

Balse howsha madaxda hadda joogta iyo kuwa soo socdaba waxay ahaan doontaa la dagaalanka Alshabaab iyo garab siinta Beesha Caalamka. waxayna u badan tahay inaysan dhalan doonin dowlad latimaado hindise iyo caqli ka duwan kan ay Beesha Caalamka u dhiibato oo ah inuu sii socdo dagaalka shacabkuna dhibaatada kusii jiraan, dalkuna ahaado mid ku tiirsan gacan taagasho iyo caawinaad reer galbeed.

Sidaas daraadeed ayaa madaxda Soomaalida oo ay kujiraan kuwa Maamul Goboleedyadu waxay ahaan doonaan Janeraallo u dagaalamaayo danaha shisheeye ama reer galbeedka hadba sidaad u taqaano.

Waxay ahaan doonaan kuwa shisheeyaha u xalaaleeya dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwo shacabka u dalbo duqeyn loo geysto iyo kuwa yiraahda anaa u yeeranay Amxaarada iyo Amisom. taasoo ah inay qalinka iyo ogolaanshaha ku caawiyaan reer galbeedka si ay u helaan jeegag dhaqaalo oo ayaga u gaar ah.

XIGASHO RAJO IYO OGAAL-SOMALIA.

31026850

Wakaalada Wararka Somalimedia.co.uk

Xafiis ka wararka Muqdisho

Email : info@somalimedia.co.uk

Vigora online, generic dapoxetine.

You must be logged in to post a comment Login