Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xasan Sheekh oo walaac ka muujiyay dhaqanka ciidanka Kenya ee jooga Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac ka muujiyay dhaqanka ciidanka Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Isagoo ka hadlay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa oo ay ku shirayaan madaxda dalalka Afrika, Xasan Sheekh wuxuu sheegay in uu Midowga Afrika kala hadlayo eedo loo jeediyay ciidanka Kenya ee ku sugan Kismaayo oo la sheegay inay diideen inay sugaan ammaanka wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku lug leeyihiin waxyaabo ka baxsan sharciyaddooda.

Xassan Sheekh ayaa sheegay inay jirto koox ku sugan Kismaayo oo go’aamo u gaar ah fuliya, isagoo sheegay inuu xushmeynayo aragtidooda, balse wuxuu xusay in dalka ay ka jirto dowlad federal ah oo u xil saaran maamul u sameynta dalka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdiisu ay dejisay “qorshe cad” oo loogu talagalay dib u dhiska dalka iyadoo maamullo ku-meel-gaar ah loo sameynayo gobollada dalka.

You must be logged in to post a comment Login