Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay dacwadii badda ee ay Somalia gudbisay

buy paroxetine online without prescription, clomid reviews. Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay xuduud-badeedka Soomaaliya iyo dacwaddii ku saabsanayd muranka badda ee u dhexeeysay dalalka Somalia iyo Kenya oo dhawaan loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ.

Dr. Axmed oo si aad ah uga hadlay taariikhda soo jireenka ah ee sharciyada badda Somalia oo ay dowladihii rayidka iyo tii kacaankaba marar badan ay wax ka badaleen; isagoo xusay in xuduud-badeedka Somalia uu gaarayso 350 mayl.

“Somalia waxay qayb ka tahay 160 dal oo aqbalay heshiiskii UNCLOS III ee lagu saxiixay dalka Jamaica, kaasoo barlamaankii Somalia ay ansixiyeen bishii Feberaayo sannadkii 1989-kii, kaddibna madaxwaynuhu wareegto ku saxiixay, wuxuuna dhigayaa in xuduud-badeed-keennu (Territorial Sea) yahay 12 mayl, halka kan loo yaqaan aagga dhaqaalaha (Exclusive Economic Zone) uu isna yahay 200 oo mayl. Qalfoof qaadareedkuna (Continental Shelf) uu illaa 350 mayl dhanka Badwaynra Hindiya ah gaarayo,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay xeer ilaaliyaha Qaranka.

Xeer ilaaliyaha ayaa sharraxaad ka bixiyay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee xukuumaddii KMG ahayd la saxiixatay dowladda Kenya uu ahaa mid aanay waxba ka jirin oo qaladaad badan oo dhanka sharciga ay ka buuxeen.

“Is-afgaradkaas wuxuu lahaa ceebo badan oo dhinacyada sharciga iyo qaabka heshiiysada loo galo la xiriira. Tan koowaad waxaa ku qoran in muran la galiyo xuduudaha badda Soomaaliya. Tan labaad astaanta Qaranka Kenya oo keliya ayaa warqadaha lagu qoray oo ma jirin wax cadaynaya astaan Soomaaliyeed marka laga reebo saxiixa wasiirkii wakiilka uga ahaa xukuumaddii xilligaa jrtay. Tan saddexaad waxaa lagu qoray in heshiiskaas dhaqan-galayo marka la saxiixo, waxaana meesha laga saaray awooddii barlamaanka ee dastuuriga ahayd ee hay’adda sharci-dajintu lahayd oo ah inay ansixiso heshiis walba oo dawladdu galayso. Tan afraad Kenya waxay sameysatay khariirad u gaar ah oo ay ku sheeganayso dhul badeed ay Soomaaliya ay leedahay,” ayuu hadalkiisa raaciyay xeer ilaaliyuhu.

Xeer ilaaliyaha oo sii hadlayay ayaa yiri. “Waxaan ammaan iyo bogaadin u jeedinayaa baarlamaankii KMG ahaa ee xilligaa jiray oo gacanta ku dhuftay is-afgaradkaas. Waxaan amaanaynaa dawladda Norway oo nagu caawisay diyaarinta daraasad ku saabsan sharciyada la xiriira xadeynta badaha oo aan aad ugu mahad-naqayno taageeriddeeda ay na siisay. Waxaan kaloo bogaadinayaa kaalinta uu ka ciyaaray madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbiyay hay’adaha arrintan ay khuseyso sida maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda. Sidoo kale xukuumadda oo uu wakiil ka yahay wasiirka arrimaha dibadda C/raxmaan Bayle oo waraaqo badan u diray, wada-hadallana kala yeeshay Kenya sidii ay u joojin lahayd sahminta dhul-badeedkan. Markii ay ka iska dhago-tirtay dhambaalladii Bayle uu go’aansanay inaan sharciga caalamiga ah uga dacwoono Kenya.”

Wuxuu sheegay xeer ilaaliyuhu inay diyaariyeen qubaro xadeynta badaha iyo shuruucda caalamiga ah ee badda ku xeel dheer oo Somali iyo ajnabi isugu jira. Isagoo xusay in xafiiska madaxwaynaha iyo la-taliyayaashiisa dhanka sharciga ay iyaga arrintaa si dhow ula socda. Sidoo kale waxaan furnay fayl uu gacanta ku hayo iminka wasiirka arrimaha dibadda, xafiiska xeer-ilaaliyaha arrintan waa ku garab-taagan yahay dadka loo igmaday inay dacwaddaas natiijo ka keenaan.

Dhanka kale, xeer-ilaaliayha Qaranka ayaa sheegay inay jiraan shirkado isaga baxay dhul-badeedkii Kenya sheegatay sida Stat Oil iyo Anadrako halka ay jiraan kuwa weli ka madax adayga inay joojiyaan shaqada ay ka hayaan dhul-badeedkeena sida Total, ENI iyo Midway Resource (Zarira), isagoo cadeeyay inay ganaax lacageed dul-dhigeen shirkadahaas.

“Shirkadaha weli howsha wada annagaa la xiriirnay halka dowladda Kenya aanu dacwad ka gudbinay dabayaaqaadii bishii hore. Shirkad walba oo maanta hawl sharci-darro ah ka wada xuduuddeena waxaan kusoo rognay ganaax lacageed oo u dhigma halkii Kiilo-mitirba 30 Euro maalin kasta oo ay hawshaa sii waddo, taasoo ka dhigan in ENI oo ah shirkad Talyaani ah oo qandaraas ku qaadatay saddex goobood oo baaxaddoodu tahay 33,522 km2, maalinkii ay ku socoto 1,005660 Euro, halka Total oo Faransiiska ah ay hawl kawado hal goob oo baaxadiisu dhan tahay 3,838-km2, lagu soo rogay lacag ganaax ah oo dhan maalintiiba 109,230 Euro. Shirkadda saddexaad oo iyana ah Midway Resource (Zarira) oo laga leeyahay Ingiriiska waxay qanadaraas ku qaadatay hal goob oo baaxaddiisu tahay 276km2, waxaana maalin walba ku socota ganaax dhan 5,010 Euro,” ayuu xeer ilaaliyuhu shirkiisa jaraa’id ku sheegay.

Mar uu ka hadlayay xiriirka Kenya iyo Somalia ayuu carabka ku adkeeyay in Kenya tahay dal abaal badan ku leh Soomaaliya, gaar ahaan marti-galinta qoxootiga iyo ka qayb-qaadashada hawlaha lagu nabadeynayo Soomaaliya, laakiin aysan Soomaaliya marnaba hal taako oo dhulkeeda ka mid ah aysan uga tanaasuli doonin, ayna qaab walba oo sharciga wafaqsan ku difaacayaan xuduudaha badda ee hadda Kenya sheeganayso.

“Waxaan doonayaa inaan shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareyno in kiiskan aanu maxkamadda gaynay aan ku gacan sarreyno marka la eego qaabka ay dacwadaha noocan oo kale ah horay loogu xalliyay iyo sida ay qeexayaan qawaaniinta caalamiga ah oo Somalia iyo Kenya labaduba hore u saxiixeen. Sidoo kale waxaa jira kiisas nala mid ah oo hore u dhex-maray Guinea iyo Guinea Bisau, Peru iyo Chile iyo kuwa kale, sidaa daraadeed waxaanu idiin sheegaynaa inaad walwalka iska daysaan oo aad garab istaagtaan guddiga arrintan dhanka Soomaaliya u matalaya oo uu C/raxmaan Bayle madaxa u yahay,” ayuu xeer ilaaliyuhu ugu beer qaboojiyay shacabka Soomaaliyeed ee walwalka ka qaba dacwadda ay Soomaaliya gudbisay.

Ugu dambeyn, xeer ilaaliyaha wuxuu mahadceliyay madaxwaynaha Somalia oo uu sheegay inuu dadaal xooggan u galay badbaadinta dhul-badeedkan ay Kenya sad-bursanayso. Sidoo kale ammaan u jeediyay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo hawshan dhabarka u ritay, isagoo baarlamaanka ku boorriyay inay sii wadaan badbaadinta iyo ilaalinta xuduudaha dalka bad iyo barriba; maadaama uu barlaamaanku yahay hay’adda dastuuriga ah ee arrintaa la doonayo inay si gaar ah uga warqabto.

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/Sept/wararka_maanta24-48443.htm#sthash.BKgaSE39.dpuf

You must be logged in to post a comment Login