Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xeer-ilaaliyaha Qaranka: “Suurtagal maaha in sharci waddanka loo soo saaray miis hoostiis la iska dhigo”

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa uga digay hay’adaha kala duwan ee Dowladda dhaqan gelin la’aanta sharciyada uu Baarlamaanku ansixiyo islamarkaana uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Shruucdaan la sameeyay laakin aan wali la dhan galin waxaa ka mid ah sharciga adeegga garsoorka oo maray dhammaan heerarkii sharci la sameeyay uu mari lahaa ilaa uu gaaray heer madaxweynuhu uu saxiixay. Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya sharciga lala tiigsan doono hay’adihii u hoggaansami waaya ama dhaqan galin waaya sharciyada la soo saaro.

“Suurtagal maaha in sharci waddanka loo soo saaray miis hoostiis la iska dhigo, waa in la dhaqan galiyaa sharcigii waddanka loo soo saaray” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haddii sharci cusub la soo saaro uu meesha ka baxaayo midkii ka horreeyay sidaas darteedna aanan lagu sii shaqeyn Karin.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr sharci soo saaray labadii sano ee la soo dhaafay, kaddib markii ay xukuumaddu u soo gudbisay. Xeer-ilaaliyuhu wuxuu sheegay in dhaqan galinta sharciyadaasi ay waajib tahay. buy Malegra, acquire clomid.

You must be logged in to post a comment Login