Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xiisad Dagaal oo ka taagan Gobolka Bakool

Waxaa Degaano ka tirsan Gobolka Bakool ka taagan Xiisado Dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab kadib markii Dagaal Khasaaro geystay uu ka dhacay Shalay Degaanka Kulan oo 45 Degmada Waajid u jirta.

Dadka Degaanka ayaa sheegaya in Xalay in Saakay ay Rasaas goos goos oo ay ridayaan Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda laga maqlayo Degaanka Kulan waxaana Saakey laga cabsi qabaa in uu Dagaal Culus halkaasi ka dhaco.

Xiisadan ayaa timid kadib markii Shalay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay Weerar ku qaadeen Kolonyo uu watay Wakiilka Al Shabaab ee Gobolka Bakool iyadona halkaasi lagu Dilay 5 Dagaal yahan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Sikastaba, Xaalada Degaanka Kulan ayaa la ogeyn halka ay ku dambeyn doono inkastoo Wararka qaar ay sheegayaa in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen Degaankaasi oo 45 KM Degmada Waajid u jirta.

You must be logged in to post a comment Login